Yuhuudda Itoobiya Oo Dalbatay In Israa’iil La Geeyo

Kumannaan Yuhuudda Itoobiya ah ayaa Israa’iil ka dalbaday in ay si degdeg ah u daad gureeyaan si ay ula midoobaan qoysaskooda. Codsigaas ayay u gudbisteen madaxweynaha Israa’iil Reuven Rivlin oo booqasho saddex maalmood ah ku jooga dalka Itoobiya.

Xubnihii matalayay Yuhuudda Itoobiya ayaa sheegay in ay qaar badan oo ka mid ah sugayaan in la midoobaan qoysaskooda oo soddonkii sano ee u dambeeyay dib u dajin looga sameeyay dhulka barakaysan. Xubin ka mid ah guddiga bulshada Yuhuudda ah ee Itoobiya ayaa sheegay in 8,000 oo Yuhuud ah ay ku xaniban yihiin Itoobiya.

Dhammaan dadkaasi waxay sheeganayaan in faracoodu Yuhuud balse ay Kiristaan noqdeen wakhti hore, badankoodna lagu khasbay arrintaas. Tan iyo 1980yadii tobannaan kun oo Yuhuudda Itoobiya ah ayaa diyaaradi lagu daad gureeyay, daad guraynnadaas qaarkoodna waxay ahaayeen kuwo qarsoodi ah oo ay ka qaybqaateen laamaha ammaanka ee Israa’iil sannadkii 1984 iyo 1991dii.

In kabadan 150,000 oo ruux oo Yuhuudda Itoobiya ah ayaa hadda ku nool Israa’iil. Bilihii u dambeeyayna waxaa dhacay mudaaharaadyo ay kumannaan ruux ka qaybgaleen oo lagu dalbanayay in dawladdu ay wax u qabato bulshada Yuhuudda ah ee Itoobiya ku nool.

Israa’iil gudaheedana waxaa kale oo ka jiro baaqyo ku aadan in Afrikaanka sharcifarrada ku jooga Israa’iil loo wareejiyo dal kale oo saddexaad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker