Xuskii qaranimada Somaliland ma xuskii SYL baa lagu bedelay?

Ummadeena sidaas ahe
Isticmaar Salabeeyey
Leegona seedaha goysay
Nin siraa hodmi maayo.”
AHUN Cabdillaahi Suldaan Timacade.

Caalamka ma jirto maalin qaran oo la bedelaa, arintanina Somaliland hore ugama dhicin. Maalintan bedelkeedana waxaa keliya  lagu go’aamin karaa afti dadweyne oo dastuurka loo qaado.  Way dhici kartaa xaflad gaaban oo afur ah in lagu bedeli karo ama sadaqo ururin, ama in qaab kale oo sidii hore ka duwan oo isla maalintaa 18 May lagu xuso. Laakiin maalintaa lagama bedeli karo.

Haddaba waxaa ayaandaro kale ah in loo rarro laguna bedelo 15 May maalintii dhalinyarada Soomaaliya, ee ururkii leegada loo yaqaanay. Kuwaas oo aynu garanayno dhibaatadii ka soo gaadhay shacabka reer Somaliland. Sowtii abwaankii Cabdillaahi Tuldaan Timacade lahaa maaha.

”Ummadeena sidaas ahe
Isticmaar Salabeeyey
Leegona seedaha goysay
Nin siraa hodmi maayo.”

Bal halkan ka dhegayso Abwaankii reer Somaliland ee Cali Xuseen Xirsi oo ka hadlaya dhibaatadii waqtigaas ka soo gaadhay ururkii leegada. Miyaanu gabaygii  layaabka lahaa ku lahayn sidan:

Nimanyohow xornimadii la helay lagu xanteeroowye

Xayskii onkoday wuxu na taray xaayawaanimo’e
Xanaf baaba noo korodhay iyo xaafad kala sooce’

Xaajada qaloocani intay xamar ka qiiqayso

Intay beentu xoog leedahee xaasidnimo joogto

Aday xiga’e qaad iyo intay xodh ugu laabayso

Nimba xeel qabiilnimo intuu xadhig maleegaayo

Sii dhegayso gabayga inta kale oo cod ah.

http://www.saraarnews.com/audio/calixuseen.mp3

Arintan looma baahnayn, waayo meesha xusku ka dhacayaa waa Somaliland gudaheeda ee maaha dal kale oo debedeed oo qurbajoogu xaflada soo hormarin karo ama dib u dhigan karo, iyagoo ku salaynaya wadanka ay joogaan.

Waxaan odhan lahaa arintani waa gef sharci oo masuuliyiinta ku dhawaaqday aanay dhaadsanayn.
Haddayse sidaa u dhacdo waxay u eeganaysaa in Somaliland xuskeedii lagu bedelay Xuskii Ururkii leegada ama SYL.

Mubarak Qoorubaxay
Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker