Xukuumadda Somaliya Oo Ku Hal-milyan ku taageertay taakulaynta & Gurmadka Qaran ee dadka Fatahaaduhu saameeyeen

Ra’iisalwasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna kusimaha Ra’iisalwasaaraha, Md Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) ayaa shaaciyay in xukuumad ahaan ay taakulaynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu kaga qayb qaadanayaan lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000).
 
 
Ra’iisalwasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii samato bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaadhi lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.
 
”Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena  Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.” Ayuu yiri ku simaha Ra’iisalwasaaraha ahna R/W ku xigeenka dalku.
 
 
Dhowaan ayay ahayd markii R/w Khayre uu Gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u magacaabay Guddi qaran oo ka shaqaysa sidii loo samato bixin lahaa guddidaas oo uu gudoomiye u yahay R/w ku xigeenku kuwaaso oo xiligan ku hawlan shaqadii loo igmaday.
 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker