WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND. DOOXA DACAR-BUDHUQ…. TALO IYO TAMAR MIDNA MIYAA LOO WAAYEY.???

Mudane Madaxweyne, anigoo magacaygu yahay Amb. Mohamed Ismail Hussein oo ku magac dheer Amb. Balishire.  Ahna safiirkii hore ee Somaliland ee dalweynaha (Ustareeliya) Australia. Waxaan maanta qoraalkan aan kuugu soo gudbinayaa isla markaasna aan rabo in aan wax ka taabtaabto qaar ka mid ah, dhibaatooyinka waaweyn ee dalkeena maanta ka jira. Hadaba qoraalkan oo ah mid aan si toos ah ugu hagaajinaayo madaxweynaha Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Somaliland. Mudane Muuse Biixi Cabdi. Iyadoo qoraalkani yahay kii ugu horeeyey ee aan madaxweyne Somaliland ah aan toos ugu soo qoro.

Mudane madaxweyne, waxa hubaal ah in xil culus iyo hawl qaran aad dusha saaratay. Isla markaasna aad ka warqabtid in wax badan ay shacabka reer Somaliland ay maanta kaa filayaan. Ilaahayna xilkaas culus ee aad dusha saaratay hakugu asturo. Hadaba waxaynu mudane madaxweyne aynu ka war qabnaa in dalkan Somaliland ay maanta ka jirto baahi weyn oo dhankastaba leh.

Hadaba mudane Madaxweyne, waxa jira in sanad kastaba in dooxyada dalkeena ka jira ay bulshadeena ku keenaan burbur iyo khasaare naf iyo maalba leh. Dooxyadaas oo kala ah intaan ka xasuusto, kan Agaamsaha Kan Arabsiyo, Kan Hargeisa, Kan Aw-Barkhadle iyo ka ugu wada daran oo ah dabcan kan Dacar-Budhuq(Probably the most deadliest of all).

Hadaba mudane madaxweyne, waxa madaxweynihii kaa horeeyey ee Mudane Ahmed Mohamed Mohamoud “Siilaanyo”. Uu si sharaf leh oo geesinimo leh ugu guuleystay in uu hir geliyo oo uu meel mariyo mashruucii ahaa Jidka Burco-Erigavo Highway. Mashruucaas oo maanta taariikhda baal dahab ah ka galay.

Hadaba adna mudane Madaxweyne, waxaan kaa codsanayaa in adna aad ku dhiirato in aad wax ka qabatid ugu horeyn dooxan weyn ee dilaaga ah ee Dacar-Budhuq. Waxa maanta dalka ka jira intaas oo shirkadood oo dhisi kara biriish weyn oo is dhaaf ah oo tayo fiican leh. Waxaanan qabaa in qiimaha uu ku kacaayo biriishkaasi aanay dhamayn inta u dhaxaysa Hal Milyan ilaa Hal milyan iyo Badh doolarka maraykanka ah. (US$1,000,000 to US$1,500,000 Dollars approximately.)

Mudane Madaxweyne, waxa hubaal ah in qarankan Somaliland ay abaal weyn kuugu hayn doonaan hir gelinta mashruucaas ah dhisitaanka Biriishka Dooxa Dacar-Budhuq. Run ahaantii waad qiyaasi kartaa inta qof ee qiimaha lahaa ee rag iyo haweenba lahaa ee uu qaatay dooxaas Dacar-Budhuq ee maanta aakhiro aaday.!!!!!

Waxaan hadaba mudane Madaxweyne aan qabaa in Kharashka ku baxaaya dhisitaanka Biriishkaas Dooxa Dacar-Budhuq, maaha mid looga baahan yahay in haayado laga baryo in ay inoo dhisaan. Ee waa mid dawladu bixin karto. Ama dawladu qayb bixin karto, qaybta kalana shacabka reer Somaliland ayaa laga codsan karaa, codsi ah calaa qof hal doolar in la bixiyo.

(I presumably believe the fact that, one dollar community contribution will effectively cover the entire cost of this project, anyway.)

Mudane Madaxweyne, waxaan kaa codsanayaa, hadii ay noqoto in shacabka reer Somaliland in qaadhaankan dhisitaanka Dooxa Dacar-Budhuq laga soo uruuriyo, si hadaba dhaqaalahani uu si dhakhso leh ugu soo xaroodo gacanta dawlada, fadlan fulinta mashruucani ha ahaato mid maamulkiisa adiga gacantaada uu ku jiro, oo aan gudi danbe masuulliyada maamulka dhaqaale shacaka laga soo uruuriyo aan gacanta loo gelin, laguna halayn.

Dhanka kale hadii laga maarmi waayo waa in ay ahaadaan gudi cusub oo aad kalsooni buuxda aad ku qabto. Gudigaas oo ay wada shaqayn buuxda wada yeelan doonaan shirkada dhisaysa Biriishka Dacar-Budhuq, shirkadaas oo soo go’aamin doonta wakhtiga ay ku dhamayn doonto mashruucan, tayada qalabka ay isticmaalayaan, iyo dabcan dhaqaalaha ku baxaaya mashruucan intaba. Isla markaasna adiga bil kastaba laguu keeni doono warbixin dhamays tiran oo ku saabsan kolba halka hawshu ay marayso.

Waxa kale oo mudane Madaxweyne, mashruucan loo soo bandhigi karaa shirkadaha waaweyn ee dalka laga leeyahay, tusaale ahaan sida. Dahabshiil Bank International oo laga codsan karo in uu maalgelin ku sameeyo dhamaan kharashaadka ku baxaaya Biriishkaas loo samayn doono Dooxa Dacarbudhuq. Isla markaasna Biriishkaasi waxa uu noqon doonaa mid shacabka reer Somaliland ay ku raystaan isla markaasna gaadiidlaydu ay lacag ku mari doonan, ilaa iyo inta ganacsadaha maalgelintan weyn sameeyey uu la soo noqonaayo kharashkii ka baxay iyo dabcan faa’iido intaba.

Ugu danbayntii, mudane Madaxweyne, waxaan qabaa in arintani ay noqon doonto waxqabadka dawladaada waxyaalaha ugu waaweyn ee la taaban karo ee aad dabcan hadhawna aad ku faani kartid. Shacabka reer Somalilandna ay abaal weyn kuugu hayn doonaan. Arintan oo Taariikhda baal dahab ah kaaga geli doonta. Hadii Alle idmo.

“Your Excellency, this deadly and totally unpredictable BEAST must be seriously confronted by all means possible. If we do not consider very seriously about this deadly phenomenon, unfortunately, many more valuable and totally irreplaceable lives will continuously be lost.” 

ALLAA MAHAD LEH.

Amb. Mohamed Ismail Hussein. “Balishire”

Former Somaliland Special Representative to Australia.

Somaliland Mission Australia.

Wakiilkii hore ee Somaliland ee dalweynaha Australia.

Email: info@somalilandfoundation.com

Phone: 252+633 544 439.  Hargeisa, Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker