WAA XAARAAN 18KA MAAY IN LAGU BEDDELO 15KA MAAYO, OO MAAMULKA XAMAR ULA BAXAY MAALINTII XORNIMO DOONKA DHALLINYARA EE KOONFURTA SOOMAALIYA SYL.

Somaliland marnaba kama dhammaato hagardaamooyinka iyo hoosaasinta ay ku wadaan dad u dhashay Somaliland oo ka shaqeeya mijaxaabinta iyo marinhabaabinta madaxbannaanida Qaramimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaa jira dad aad u badan oo Somaliland udhashay, oo maamulka xamar ee ay nabadgelyadiisa ilaaliyaan ciidamada jaabajaaboodka ah ee afrikada laga soo ururiyay, u adeegsado waxyeellada Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In layidhaahdo maalinta Qaranka ee 18ka maay dabbaaldeggeeda waxaynu ku beddelanaynaa 15ka maayo, maalinta xamar looga dabbaaldago xornimo udirirka dhallinyarada koonfurta ee SYL.

Oo ay ka been sheegaan in gobolladii waqooyi ee ingiriisku xukumayay, ay hortood xornimada u dirir jireen, hormoodna ka ahaayeen.

 

Waa ayaan darro in duul aan taariikhda waxba ka ogoyn, oo sida qarandida ku toosay dayax shanitobnaad, ay maanta yidhaahdaan macnihii dabbaaldegga maalinta qaranimada ayaanu beddelaynaa..

 

Maalin qaran waxaa loo yidhi waa maalin ka tilmaaman maalmaha sannadka. Waa maalin loo asteeyay dabbaaldegga qaranka. In halkeedii maalin aan ahayn la yidhaa waanu dabbaal degeynaa waxay cay iyo aflagaaddo ku tahay xurmadii maalintaa la siiyay.

 

Maalinta 18ka maayo waxay ku xurmaysantay inay tahay maalintii gooni isutaagga iyo dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland. In hagardaamada xamar hadba dhan lagaga soo duulo qaranimada jamhuuriyadda waa dagaal cad.

 

Cidda ku talisay in laga dabbaaldegga maalintaa calanka dhidibka loo aslay, ee ku suntan maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waa dad sharciyaynaya in maalintaasi aanay lahayn xurmadeeda, hadhawna noqonaysa jid u furmay cid kasta oo dano gaara leh oo ku talisa in maalintaa qaddarinteeda iyo mudnaanteeda laga gudbi karo.

 

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland kuma taallo in dad dano gaara lihii ay xuska maalinta Qaranka u aaneeyaan in laga guuri karo, oo hor iyo dib miduun loo dhigi karo.

 

Maanta kuwa ku talinaya in maalinta xamar dhallinyaradooda ku faaniso inay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee gumaysiga ka horyimid, iyadoo la ogaa in Hargaysa laga guubaabin jiray iyagoo talyaanigu aan xataa u oggolayn in laba qof meel kuwada hadasho,  waxay kuwaasi u adeegayaan ujeeddooyinka badan ee maamul kolayga xamar goor walba la beegsado Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

18ka maayo maaha maalin afar miyir laawe oo aan garanaynaynin qiimaha ay leedahay maalintaas loo asteeyay Qaranimadu inay si fudud u yidhaahdaan waxaanu garanay in maalin aan ku suntanayn maalinta Qaranka ayaanu u dabbaal degaynaa.

 

18ka maayo marna ma dhici karto inay maalin kale qiimaheedii yeelato. Kuwa sidaa ku talinayaana waa qaran dumis iyo dad lasoo dirsaday, oo u adeega maamulka xamar ee ismaamuli kari waaya, ee had iyo jeer ka shaqeeya cadaawadda iyo dibindaabyada Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

18ka maayo waa maalin Qaran lamana baajin karo wax kasta oo dhaca, beddelkeedana ma noqon karto maalin damiirlaawayaal iska soo samaystaan.

 

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London  U. K.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker