Ururka Xagjirka Ah Ee Ka Dagaalama Nigeria Ee Boko Xaram Oo Qarax Ku Dilay 24 Muslimiin Ah

Dad gaadhaya 24 qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo Salaasadii shalay lala beegsaday Masaajid iyo suuqa ku yaala magaalada Mubi ee gobalka Adamawa, waqooyi-bari Nirgeia.  Nin sita bambaano ayaa la sheegay inuu isku dhex qarxiyey Masaajidka ku dhex yaal suuqa ugu weyn magaalada Mubi, daqiiqado kadib ayaa qarax labaad waxa uu ka dhacay isla suuqaasi, qaraxaasi labaad oo loola dan lahaa ina lagu laayo dadka kasoo cararay qaraxa ka dhacay Masaajidka xiligii salaadii duhurka.

Waa weerarkii labaad oo lagu qaadayo masaajid ku yaal magaalada Mubi muddo lix bilood gudahood ah, bishii November ee sanadkii tagay ayey gabar yar oo bambaano loo soo dhiibay ku qaraxday masaajid ku yaal magaaladaasi xili lagu jiray salaadii subax, weerarkaasi hore ayey ku dhinteen 50 ruux.

Weeraradan ayaa lagu eedeenayaa kooxda Boko Xaram oo horey weeraradan noocaan ah usheegatay, kooxdaasi oo dar dar gelisay qaraxyada ay la beegsanayaan magaalooyinkii ay horey u maamulijeen ee dhawaan laga saaray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker