“Xukuumadda Somaliland oo Dhaqaale Ku Bixisay Hirgelinta Xidhiidhka Cusub Ee Maraykanka”

Wakiilkii  hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, ayaa ka hadlay, ayaa ka hadlay Safarkii uu Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay dalka Maraykanka iyo marxaladihii uu soo maray xidhiidhka Hargeysa iyo Washington.

Rashiid Gaaruf oo qoraal ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay in Safarka uu Madaxweyne Biixi ku tagay Maraykanku uu meeqaam sare gaadhsiiyey xidhiidhka Somaliland, balse ay arrintan ka shaqaysay shirkad Somaliland kiraysatay, taasi oo bil walba la siin jiray lacag gaadhaysa 25 kun dollar.

Qoraalka Rashiid Gaaruf uu arrimahan kaga warramay ayaa u qornaa sidan “Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykan markasta wuxu taagnaa oo la inagu odhan jiray “haddaad doonaysaan inaad xidhiidh USA la yeelataan, Muqdishu soo mara markaasaynu wada xaajoonaynaa.” Xaaladdu halkaasay taagnayd 26 sano. Dadka madaxda ah ee aynu Washington kula kulmaynay marka laga reebo safarkii Silanyo, waxay ahaayeen dad maqaam hoose ah, mid aan inoo qalmin.

Aniga oo dhowr jeer la socda Wasiir Arrimo Dibadeed ayaa Wasaaradda Arrimaha dibeddu ku nagu yidhaahdeen Muqdishu soo Mara. Taasoo markasta safarka weftiga ka dhigaysay mid aan waxba soo kordhinin, Wasiiradu waxba may iska hagran ee nasiib darro USA baan arkaynin wax dan ah oo ay Somaliland ka leeyihiin. Si badheedh ahna inoogu sheegaysay hadaad xidhiidh rabtaan la heshiiya Muqdishu oo Somalia ka mid noqda, taasaa wax ku helaysaane.

Waxaa taas inoo dheeraa in la helo Xildhiban u dooda danta Somaliland waxay ahayd nearly impossible, dhinaca Wakiilada iyo Senate ka labadaba. Waxay odhan karaa anigu 7 dii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland, waxa iigu cuslaa inaan helo qof dawlada USA dhinac uun kaga jira oo Somaliland taageeraya si furan oo public ah.

Xataa Afar sanadood oo State Department ku yeeshay Dual Track policy, oo macnaheedu ahaa Somaliland toos baanu ula hadlaynaa, xiligii George Bush Jr, waxa keliya ee soo kordhay wuxu ahaa in aynu aragno Jendai Frazer oo ahayd Assistant Secretary for Africa. Markii Obama qabsaday ee Hillary noqotay Secretary of State iyadaa aqoonsatay dawladii Hassan Sheikh, wixii ka horeeyay ku meel gaadh bay ahaayeen, iyadaana joojisay Dual Track policy gii markaa jiray. Waxaynu dib ugu soo noqonay siyaasadii hadaad xidhiidh USA doonaysaan Muqdishu la heshiiya oo noo soo dhex mara.

Maxaa maanta keentay is bedelka ku yimi dawladii USA siyaasadeedii Somaliland. Dhowr waxyaabood baa ka masuul ah.?

1- Nabada Somaliland ku guulaysatay 30 sanno, iyo Somalia oo billions of dollars USA gelisay oo wali aan nabad gaadhin.

2- Demoqraadiyada Somaliland gaadhay iyo Somalia oo USA taxpayer ku bixiyeen billions oo aan wali fari ka qodnayn.

3- Heshiiska aynu la galay Taiwan, waayo maanta USA waxay tartan aad u xun kula jirtaa China. USA waxay leedahay sharci odhanaya Taiwan asxaabteedu waa USA asxaabtooda waa in Maraykan caawiyaa saaxibada Taiwan.

4- Dawladda Muuse Biixi Cabdi oo muddo sannad iyo badh ku dhow siinaysay lacag dhan $25000 dollar bil kasta shirkad lobby inooga Washington DC. Shirkadan oo keentay guusha aad maanta arkayso ee Waftigu keenay. Shirkadan oo albaabo aad u badan u furtay wakiilkeena iyo xafiiska Somaliland ee Washington DC.

5- Waxa afarta qodob ee sare ka muhiimsan, USA oo Somaliland ka dhex aragtay dantooda. Markii dawlada Djibouti ay China ka qaadatay lacag dayn ah oo billions ah, Laguna dhisay laba dekedood oo cusub iyo wado train oo cusub, ka dibna Djibouti dayn tii bixin kari wayday oo maamulkii dekedaha cusub ku wareejisay China, ayaa waxa USA u cadaatay haddii berito China ku yidhaahdo Madaxwayne Geele ka eri Djibouti ciidamada USA, in ay Djibouti ku odhan doonto USA naga baxa. Waayo maanta Djibouti ma laha awood ay daynka China iskaga bixiso. Markaa maanta USA waxay u baahatahay haddii la eryo meeshii ay qaban lahayd. Waxay USA direen wefti culus oo ka kooban lixdan qof iyo diyaarad military oo yimi magaalada Berbera, qiimayna ku sameeyay Airport ka Berbera, Dekeda, iyo magaalada guud ahaan ba, report kii qiimayntu soo saartay wuxu noqday mid odhanaya Berbera ayaynu u guri karnaa hadii Djibouti laynaga eryo laakiin waa in aynu Somaliland xidhiidh cusub la samaysano. Waxa kale oo Hargeysa yimi wafti ka kooban Shaqaalaha Golashaaya Congresska, kuwaas oo booqday Airport ka Berbera, Dekeda, lana kulmay Dhamaan stakeholders siyaasada Somaliland, waxay qiimaytoodii u gudbiyeen goloyaasha barlamaanka, taasoo taageertay qiimayntii Ciidamada. USA waxay isku qanciyeen in danta USA ku jirto inay xidhiidh saaxiibtimo oo macno leh la samaystaan Somaliland si ay dantooda u ilaashadaan.

Safarkii madaxwaynuhu wuxu soo hooyay in dawladii USA ku tidhi, imika idin aqoonsan kari mayno laakiin waxaan diyaar idiin la nahay inaynu wax wada qabsano, dhinac dhaqaale, ciidan nabad gelyo, ciidan military, Caawimo toos ah oo la siiyo Somaliland, State Department ka oo diyaar u ah inay wax ka bedelaan digniintii ay siin jireen muwaadiniintooda ee markii hore ahayd mid keliya oo ay imika diyaar u yihiin inay Somaliland iyo Somalia kala saaraan, inay diyaar u yihiin in USAID iyo World Bank toos Somaliland ula shaqeeyaan, inay diyaar u yihiin in laga wada hadlo sidii Banka Somaliland loogu xidhi lahaa International Finance Transactions ka (SWIFT system), iyo in USA Hargeysa xafiiska ka furato. USA oo wax walba diyaar u ah in laga wada hadlo, aqoonsiga mooyaane.

Waliba heshiiska State Department ka, pentagon ka, iyo NSC (oo ah Whote House ku) waa gaar dhakhsona waa loo gudo gelayaa wakhtiga dhow.

Laakiin waxa intaaba dheer dhinacii kale ee golayaasha barlamaanka ayaa iyaguna si la mida waftiga u soo dhoweeyay, soona curiyay sharci cusub oo ay hordhigeen gudida Arrimaha dibada ee Senateka maraykanka, kaas oo Dhamaan taageeraya wixii qolodii hore ka wada hadashay, walibana ku sii daraya in State Department ka, USAID, iyo Pentagon u soo diraan war bixin qeexaysa xidhiidhka ay Somaliland la lahaayeen 12 bilood ee la soo dhaafay iyo 12 bilood ee soo socda. Arrinkanu waa mid qaadanaya muddo dheer, waa in labada gole saxeexaan, ka dibna madaxwaynuhu saxeexo.

Waxa run xidhiidhkii USA ee dhulka inaga yiilay 30 sanadood in maanta safarka Muuse Biixi Cabdi gaadhsiiyay meel ku dhow halka ugu saraysa ee xidhiidh la gaadhsiin karo. Waana taas guusha safarka Madaxwayne MBA uu u sidaa shicibka Somaliland berito. Xidhiidhka wanaagsan wixii ka soo baxaa waxay ku xidhan tahay sida aynu uga faaiidaysano, iyo waxaynu qabsano.

Waxaan kula talin lahaa in Shicibka Somaliland inay muujiyaan in ay diyaar u yihiin xidhiidhka wanaagsan ee USA iyo Somaliland soo wada qaateen. Fadlan xasuusnaada qaylaydii dad badani ka sameeyeen heshiiskii DP World markii la galay iyo halka maanta ay marayso waxtarka DP World ay inoo leedahay. ha la muujiyo in Shicibka Somaliland ka duwan yahay shicibka Muqdisho, diyaarna u yihiin wax wada qabsi iyo xidhiidh qoto dheer oo dhex mara USA iyo Somaliland.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker