Mareykanka oo sheegay in Hantida uu Haysto Aayatulaahi Cali Khamanii ay Gaadhayso 95 $ Bilyan oo Dollar

Madaxweyne Trump ayaa qalinka ku duugay cunaqabateyn cusub oo uu ku soo rogay dalka Iran, cunaqabatayn tan ayaa Saameyn Ku yeelan doonta   hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Dalka  Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.

Mr Trump wuxuu sheegay inuu cunaqabateyntan  cusub ay  Tahay mi jawaab U ah   diyaraddi aan duuliyaha lahayn uu Mareykanku lahaa ee ay Iraan soo ridday iyo falal kale oo ay ku dhaqaaqday.

Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ugu sarreeya Iraan “ayaa ka masuul ah dabeecadaha qallifan  ee uu caadeystay maamulka Tehran” ayuu yidhi Mr Trump.

Wasiirka arrimaha dibadda Iraan Javad Zarif wuxuu sheegay in “Mareykanka uu  quursaday Diblumaasiyadda.”

Mareykanka marka uu cunaqabateynka cusub ku dhawaaqay kaddib wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Iiran Mr Zarif boggiisa Tweetarka uu ku qoray wuxuu Mareykanka ku eedeeyey inuu yahay “dal dagaal u heellan”.Xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa cirka isku sii shareereysay toddobaadyadii ugu dambeeyey.

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steve Munchin wuxuu sheegay Mr Trump inuu bixiyey amar culus oo lagu xayirayo balaayiin doolar oo uu dalka iiraan leeyahay, tallabbada Mareykanka uu qaaday oo ka dambeysay diyaaraddi aan duuliyaha lahayn uu Mareykanku lahaa oo ay Iraan soo ridday.

Cunaqabateyntan cusubi yay  saamaynaysaa?
Wasaaaradda maaliyadda Mareykanka waxay sheegtay in cunaqabatayntan cusubi ay  saameyn doonto  8-da  sargaalkaa ee  ugu sarreysa ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan.Cunaqabatayntan cusubi waxay sidoo kale  saamaynaysaa  “dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee mas’uuliyiinta ku shaqeysa awaamiirta ka soo baxda golaha sare ee uu hoggaamiyo hoggaamiyaha Ruuxiga ah Ayatollah Ali Khamenei oo ay talada dalka Iraan gacanta ugu jirto.

Mareykanka wuxuu Khamenei uu ku eedeeyey inuu hanti badan uu maamulo isla-markaana uu ku maalgeliyo ciidamada ilaalada kacaanka iran.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo wuxuu 2018-kii uu hantida Khamenei u ku qayaasay iney gaareyso $95 bilyan oo doolar, lacagtaasi oo ciidamada Iraan waxbadan uu ugu qabto.

Mr Munchin waxaa kale oo uu sheegay in Mr Zarif cunaqabateyn lagu soo rogi doono dabayaaqada toddobaadkan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker