Somaliland Dalkeena Dadkeena’ Hagardamo’ U Diida Qurbejoogow ”

Muwaadin dalkaaga yaan cadow kusoo dhex marin afkaaga ilaali cuqda tuurxan cunfi, dantiisa ku foognow sidaa lamaaha amniga Boliska Ciidanka halyeyada qaranka 
 
 
Asc  shacabkayga reer Somaliland ee jecel horumar, nabadgelyo iyo wax qabad dalkeena iyo dadkeena. Ku dhisan aqoon dadnimo maskac cafimaad qabta  wadaniyahanimo iyo xeelaad siyaasadeed oo qoto-dheer.
 
Waxaa ayaan darro weyn ah qurbejoogta reer Somaliland oo aad moodo inay wax ka kasta dowladda ka sugaan laakiin garan waayey inay eeddeynta ceebta wax u qabadka dalkeena qeyb weyn ka yihiin.
 
Oo ay runti afdheer buuq sawaxaan muusanow bulsho kicin qaarkood hormuud ka yihiin. Bal’se ogeyn iyaga laftooda saluuga mas’uuliyad darrada iyo kaalinti laga filayey ay gabeen.
 
 
Sidaa aynu wada ogsoonahay baraha bulshada Social Media waxay noqdeen meelo aan laga fulin aqoon maskax-maal iyo wax-tar dalkeena laakiin hab reereed qabyalaad  gun-tir ah lagu faafiyo soo bandhigo.
 
 
Kuwa gudaha jooga may garan dalkeena murug ugu adeega hadday tahay dib u dhiska Birijyada Bridges Dooxyada daad moosida’  wax aynu  ruqsad u wada qaadnay caayda’ madaxdeena qaranka  kala fogeynta bulshada.
 
 
Gud: Cali -Dheeg
Newport, Wales/ UK.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker