Darawallada gawaadhida xamuulka ee Mareykanka iyo Canada oo cabanaya Tallaalka Covid-19

Qaar ka mid ah darawallada wada gawaadhida xamuulka ah ee dalka Canada ayaa isugu tegay caasimadda dalkaas iyagoo ka dibad baxaya tallaabooyinka xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Darawalladan ayaa ku adkeysanaya in dibadbaxyadu ay noqon doonaan kuwo nabadeed, balse booliska ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin haddii ay rabshado ka dhashaan.

Cabashada darawallada oo aad looga hadal hayo dalkaas, ayaa waxay ka dambeysay kaddib markii muddo cayiman loo qabtay in darawallada gawaadhida xamuulka ee isaga kala goosha Canada iyo Mareykanka ay ku qaataan tallaalka, amarkaas oo ay horraantii bishan dhaqan gelisay dowladda Raysal Wasaare Justin Trudeau.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker