Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax Iid Xasan Maxamed Obsiiye Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka 2019

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Iid Xasan Maxamed Obsiiye oo dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan isla markaasina u tartamaayai Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaanta lagu wado inay dalka ka qabsoonto, gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Degmada Berbera

Musharax Musharax Iid Xasan Maxamed Obsiiye oo kamida dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho isla markaana kamida hantida gaarka ah ee degmada berbera ka sugayso inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Maamulka hada ka jira iyo kuwii uga horeeyeyba.

Musharax Musharax Iid Xasan Maxamed Obsiiye o ku caana sharaf iyo karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayga daacadnimo ku dheehantay ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Deegaanka Berbera ,

Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Musharax Iid Xasan Maxamed Obsiiye Baahi Weyn bay bulshada reer Berbera u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Deegaanka Degmada Berbera waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

Allaa Mahadleh
Xuseen Warsame Nuur
Berbera/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker