Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Siyaasi Cali Sanyare

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya afkiisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba taageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo uga tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/ Siyaasi Cali Ibraahim Maxamed(Cali Sanyare) oo maanta 02/05/2018 ku geeriyoodey dalka Switzerland. Guddoomiye Cirro wuxu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah gaadhsiinayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku isaga oo ku tilmaamay in uu ka mid ahaa ragga ugu qaalisan ee qaranka Somaliland sida weyn uga soo qeyb qaatay dhismahiisa kana mid ahaa mas’uuliyiinta ugu sar-sarreeya Xisbiga WADDANI, sida oo kale na lagu xasuusan doono abuuridda mashaariicahii horumarineed dalka oo wakhtigii uu ahaa wasiirka Qoraheynta Xukuumaddii Ra’yaale uu seeska u dhigay mashaariico tiro badan oo horumarineed oo illaa hada dalka ka socda. Waxa kale oo uu ku sifeeyey in uu ahaa adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan kana shaqeeya danta guud ah iyo taageeridda dadka danyartaa. Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) wuxu ugu dambeyntii uu Alle uga baryeyaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo kana waraabiyo naxariistiisii Jannatul Fardowsa. Ehelkii, Qaraabaddii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Eebe samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin. INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI Hargeysa, Sonaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker