Dawlada Morocco Oo Xidhiidhka U Jartay Iran+Eedo Culus Oo Ay Usoo-jeedisay

Boqortooyada Morocco ayaa ku eedaysay Dowlada Iran inay taageero militari siineyso Jabhada u dagaalameysa madax-banaanida dhulka Galbeedka Sahara. Morocco ayaa sheegtay in Tehran ay maalgeliso Jabhada [Polisario Front] oo u dagaalanta xoriyada dhulka Western Sahara oo ay Morocco gacanta ku heyso.

Wasaarada Arrimaha Dibada ee Morocco ayaa Salaasadii shalay sheegtay inay xiri doonto Safaarada ay ku leedahay Tehran,Iran. Waxayna dowlada Morocco sheegtay inay dalkeeda ka saari doonto Safiirka Iran u fadhiyey wadankooda.

Nasser Bourita, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Morocco ayaa sheegay in ay hayaan cadeyn taageerada Iran siiso Jabhada uu dagaalka kala dhaxeeyo.

“…Dowlada Iran waxay adeegsataa kooxda Xisbullah oo ah mida tababarada iyo taageerada militari siisa Jabhada Polisario, waxaana hawlahan kaalin weyn ku leh Safaarada Iran ay ku leedahay dalka Aljeeriya…”ayuu yiri Wasiirka Morocco.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in bishii lasoo dhaafay kooxda Xisbullah ay jabhadaasi u keentay gantaalada lidka diyaaradaha ee SAM9, SAM11 iyo Strela missiles.

Kooxda Xisbullah oo fadhigoodu yahay dalka Lubnaan ayaa beeniyey warka kasoo baxay Morocco, iyagoo sheegay in eedeyntan dowlada Morocco ay ku cadaadiyeen xulafadooda Maraykanka, Sacuudiga iyo Israel.

Dowlada Iran ayaan weli ka jawaabin go’aanka kasoo baxay Rabbat. Dhulka Galbeedka Sahara waa mid la isku heysto tan iyo sanadkii 1975tii kadib markii dhulkaasi saxaraha ah ay ka baxday dowlada Spain oo horey u maamuli jirtay, waxaana xiligaasi sheegtay dowladaha Morocco, Muritaniya iyo kooxda Polisario oo iyadu taageero ka helaysa Aljeeriya.

Inkastoo dalka Muritaniya uu xili danbe loolankaasi isaga baxay, ayaa hadana waxaa weli socda dagaalka u dhaxeeya Morocco iyo Polisario oo isku haya maamulida dhulkaasi.

Hadalka kasoo baxay Morocco ayaa kusoo beegmay xili dalalka Carabta ee xulafada la ah Sacuudiga ay olole ugu jiraan in la burburiyo heshiiskii Iran ee Nukliyeerka, iyagoo ku doodaya in xayiraada dhaqaale ee laga qaaday Iran ay u fududeysay in Tehran ayaa dar dar geliso maalgelinta jabhadaha ay u adeegsato wadamada Carabta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker