Maraykanka wuxuu rabaa Sacuudiga inuu u adeegsado dagaalka Iran….Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei

Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa Isniintii shalay war laga baahiyey telefishinka dowladaasi ku sheegay in Maraykanka wado ollole iyo duulaan ka dhanka wadankooda, isla markaana uu doonayo inuu adeegsado xulafada uu gobalka ku leeyahay. Khamenei ayaa yiri “…Maraykanka wuxuu wadaa inuu markale xiisad ka abuuro Bariga Dhexe, isagoo adeegsanaya hogaamiyayaasha aan khibrada lahayn…” hadalkaasi uu ulla jeeday Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

“….Hadii ay hogaamiyayaashaasi ay khibradooda kororsan lahaayeen iskuma dayeen inay faraha lasoo galaan ama dagaal kusoo qaadaan Iran, sababtoo ah way ogaan lahaayeen in Iran ay ka guuleysan doonto…”ayuu yiri Khamenei oo sheegay in Iran aysan joojin doonin taageerada ay u fidiyaan xulafadooda ku sugan dalalka Carabta.

“….Hadii cidi ka baxeyso Bariga Dhexe waxaa ka baxaya dowlada Maraykanka oo dooneysa inay Muslimiinta isku dirto oo isku adeegsato, dhulka waa dhulkeenii mana joojin doono inaanu gacan siino xulafada aan gobalka ku leenahay…” ayuu yiri Khamenei.

Hadalada kulul oo ay hawada isu marinayaan Maraykanka iyo Iran ayaa sii xoogeystay todobaadyadii lasoo dhaafay, xili 12ka bishan May la filayo in Maraykanka uu shaaciyey go’aankooda ku aadan heshiiskii Barnaamijka nukliyeerka oo uu Donald Trump sheegay inuu isaga bixi doono.

Xoghayaha Cusub ee Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa Axadii iyo Isniintii safaro ku tagay dalalka Sacuudiga, Urdun iyo Israel oo uu kala hadlayey arrimaha dalka Iran.

Mike Pompeo oo horey usoo noqday Madaxa sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo waliba Lataliyaha Cusub Madaxweynaha Maraykanka Mr.Bolton oo dhawaan la magacaabay ayaa kamid ah xubnaha taageersanaa duulaan Maraykanka ku qaado Iran, raggan oo xiriir dhaw laleh Israel ayaa aaminsan in awooda Iran ee Bariga Dhexe ay sii kordheyso loona baahan yahay in cudud militari lagu xakameeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker