Madax-dhaqameedyo Odayaal Iyo Waxgarad Shirkadda ASLI MAYDI Daad-guraysay Oo Hargeysa Ku Go’doonsan.

 

 

Ceerigaabo(OWN) Madax-dhaqameedyo, Odayaal, Xildhibaanno gole degaan, Iyo Waxgarad kale oo tiradoodu boqol qof kor u dhaaftay kuwaasoo dhowaan Shirkadda Ganacsiga ASLI MAYDI ka daad-guraysay degaannada gobolka Sanaag iyo bariga gobolka Saaxil ayaa waxa wararku sheegayaan inay ku go’doonsan yihiin magaalada Hargeysa oo muddo hal bil gaadhaysa ay halkaas kusugan yihiin.

 

Shirkaddan ganacsiga ee ASLI MAYDI ayaa dadkan kolkii hore u sheegtay in ay Hargeysa ka jiraan arriimo kusaabsan Faleenka (Moxorka iyo Maydiga) degaannadooda oo dad kale sheeganayaan ama ku haystaan sidaas awgeedna loo baahan yahay inay Hargeysa tagaan si ay arrimahaas uga hadlaan, waxayna shirkaddaasi dadkan dejisey guryo u gaar ah iyadoo u qabatay shaqaale halkaas ugu sameeya cuntada iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

 

Haseyeeshee arrintaasi markii Hargeysa dadkaas la geeyey waxay noqotay mid aan meesha oollin, waxana meesha soo galay arrimo siyaasadeed iyo ganacsi shirkaddani dano gaar ah ka leedahay oo ay doonayso xukuumadda inay weliba culays kusaarto sidii dadkan faraha badani Madaxweynaha Somaliland ula kulmi lahaayeen ugalana hadli lahaayeen arrimahaas.

 

Waxana taasi beddelkeeda meesha soo galay muran iyo qaylo fara badan oo kasoo yeedhaysa degaannada dadkan lagasoo daabulay islamarkaasna lagu sheegayo inaan dadkani ahayn kuwo haysta oggolaansho ama awood ay ku meteli karaan degaannadaas oo ay madaxweynaha kula kulmi kaaan.

 

Dhinaca xukuumadda Somaliland ayaa iyagoo ilaalinaya kacdoon shacab oo ka dhasha arrintan laysku maandhaafsan yahay waxa xubno wasiirro kasoo jeeda degaannada dadkan lasoo daadgureeyey waxay kulan gaar ah oo ay magaalada Hargeysa Kula yeesheen milkiilaha Shirkadda ASLI MAYDI oo magaciisu yahay Barkhad Jibriil ku qanciyeen in dadkan tirada badan ee uu soo ururiyey aanay suurtagal ahayn waqtigan inay Madaxweynaha la kulmi doonaan maaddaama aanay ahayn dad lasoo igmadey balse ay arrimo kale u soconayeen sidaas awgeedna ay habboon tahay in ay dib ugu laabtaan degaannadoodii.

 

Milkiilaha Shirkadda ASLI MAYDI Barkhad Jibriil ayaa isaguna dhiniciisa warbaahinta kasheegay in dadkani yihiin kuwo uu lacago kaga leeyahay beeyooyinka uu usii maalgeliyey islamarkaasna uu laxisaabtamayey, sidaas awgeedna uu usoo ururiyey, wuxuna sidoo kale dhibsaday hadallo wasiirrada lakulmay shaki siyaaasadeed kaga muujiyeen ujeeddada uu dadkan usoo ururiyey xilligan.

 

Sikastaba ha ahaatee dadkaas tirade badan ee Shirkadda ASLI MAYDI u Daad-guraysay Hargeysa ayaa xilligan lagasoo sheegayaa niyad jab fara badan iyo inay u baahan yihiin sidii ay dib ugusoo laaban lahaayeen degaannadoodii. Waxana xusid mudan in milkiilaha shirkaddan ASLI MAYDI oo si aannu wax uga weydiinno arrimahaas aannu gaaacnay telefoonkiisa gacanta uu qaban waayey.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker