Marinka Rafax oo dad la ciirciiraya

Dad badan ayaa isugu soo uruuray Marinka Rafax, kuwaas oo sugaya in ay halkaa maraan kadib markii la furay dhanka Masar.

Sawirrada laga soo qaaday dadka ayaa muujinaya tiro badan oo dad ah oo sugaya maritaanka xadka.

Aroortii hore ee saaka ayaa la sheegay in gawaarida gurmadka degdeg ah oo ka yimid dhanka Masar ay ka gudbeen Marinka Rafax una gudbeen dhanka Qasa, kuwaa oo doonaya in ay halkaa ka soo qaadaan dhaawacyada, laakin BBC-du ma xaqiijin karto in ay dib ugu soo laabteen Masar.

Kumanaan qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka Qasa tan iyo markii uu bilowday toddobadii bishii Oktoobar, iyadoo dadka reer Falastiin ay go’doon ku jireen kaas oo xaaladda bini-aadanimo ee Qasa adkeeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker