War Degdeg ah: Guddoomiyaha Baarlammaanka Soomaaliya Oo Goor dhoweyd Ladoortay

 

 

Muqdisho(OWN) Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo goor dhoweyd lagusoo gebagebeeyey Xarunta Guud ee Golahan ee magaalada Muqdisho ayaa iyadoo mudanayaasha codeeyey tiradoodu ahayd 265 mudane waxa wareeggii ugu danbeeyey ku guulaystey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya kaddib markii uu helay 147 cod. Halka mudanaha labaad ee ay iskusoo hadheen wareeggii labaad ee ugu danbeeyey oo ah Ibraahim Isaaq Yarow isaguna uu helay 118 cod,

 

Dhinaca kalena mudanaha laga guulaystey oo halkaas ka hadlay ayaa hanbalyeeyey islamarkaasna sheegay inuu la shaqayn doono guddoomiyaha cusub ee la doortay isagoo sidoo kalena sheegay inuu ku qanacsan yahay habka doorashadani u dhacday.

Oodweynenews.com/Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker