Rai’sul wasaaraha Israa’iil Oo Dawlada Iiraan Ku Eedeeyey Inay Haystaan Hub Qarsoodiya

Rai’sul wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay Iiraan “in ay ka been sheegayso barnaamijkeeda Niyukleerka. Waxa uu Netanyahu sheegay in cadeyn ay u hayaan in Iiraan ay ku howlan tahay samaysashada hub Niyukleer ah. Mr Netanyahu oo ka hadlayay telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in dalkiisa ay haleen kumannan fayl oo ku saabsan in Iiraan ay si qarsoodi ah u waddo barnaamjkeeda Niyukleerka.

Isaga oo soo bandhigay qaar ka mid ah waxyaabahani , waxa uu sheegay in dikumiintiyadani ay daaha ka rogayaan faahfaahin ku saabsan barnaamijkaa Niyukleerka Iiraan. Rai’sul wasaaraha Israa’iil ,Benjamin Netanyahu, ayaa xusay in iyada oo ay jirto in Iiraan ay beesh caalamka kula heshiisay 2015 in ay joojinayso barnaamijkeeda Niyukleerka balse hadana ay sii wado hormarinta barnmijkeeda Niyukleerka.

Wasiirka arrimaaha dibadda ee Iiraan, Javad Zarif, ayaa ku tilmaamay eedeynta cusub ee Israa’iil in ay tahay middii hore oo dib loo soo cusboonaysiiyay. Iiraan iyo wadamada quwadaha waawayn ayaa 2015 wada saxiixday heshiis ay Iiraan ku joojinayso barnaamijkeeda Niyukleerka taa badalkeedana cunaqabataynta dhaqaale looga khafiifinayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker