Madaxweyne Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyey Inuu Mashaariic Dad Gaara Kooto Ku Siiyey

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID Mudane Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedeeyey sheegay inay soo bandhigi doonaan mashaariic uu Madaxweynuhu dad gaar ah siiyey oo aan loo marin sifodii sharciga ahayd ee Dawladnimo.

 

Xoghaye Yuusuf waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynuhu muddadii uu xilka hayey uu bixiyey shan mashruuc, mashaariicdaas oo uu sheegay in cid gaar ah la siiyey soona bandhigi doonaan cida la siiyey iyo sababta uu Madaxweynuhu ku siiyey: “Somaliland meesha kaliya ee arrinteeda ay  dadku u soo samrayeen waa mashaariicda la bixinayo, tiroba illaa shan mashruuc baan xogta ku hayna inuu Madaxweynuhu bixiyey, shantaa mashruuc waanu soo bandhigi doona Madaxweynuhu cida uu siiyey, cida qaadatay, sababta uu ku siiyey  iyo wuxuu ku doortay waanu soo bandhigi doonaa.”

 

“Waxaanu leenahay Madaxweyne waxaanu ka war-haynaa inaad Timirtii cid gaar ah siisay, waxaanu ka war-haynaa inaad 18 may cid siisay, awal hore waa la naadin jiray dabadeed shirkad baa ku guulaysan jirtay tii waxba kama jiraan, waxaanu ka war-haynaa in la bixiyey direyskii Ciidanka oo iyadana cid gaar ah la siiyey, waxaanu iyadoo details ah oo faahfaahsan iyo waliba sababta qofkaa lagu siiyey dib baanu ka soo bandhigi doona haddii allah idhaahdo, waxaananu leenahay meeshaasi waa meel khatar ah   in mashaariicda cid gaar ah la siiyo oo lagu naas nuujiyo Mashaariicda Qaranka ee loo wada siman yahay.”

 

“Anigu Cashuur bixiyaan ahay, Jiirna waa Cashuur bixiye ka KULMIYE kugula jiraanna waa Cashuur bixiye WADDANI-na waa Cashuur bixiye, waa in la soo bandhigaa Mashaariicda dabadeed si siman loo doorta qofka ku guulaysta, laakiin haddii la yidhaahdo hebelow hoo Dawladnimadeenu ma soconayso, dib baanu ka soo bandhigi doona afartaa Mashruuc ee aad bixisay iyo sababahaad ku bixisay, mana aqbali doono in mashruuc cid lagu naas nuujiyo oo Toban sanno ayaanu daawanaynay in hebel layska siiyo Mashruuc.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker