Daawo: Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Wixii Ay Wargeysyada Ugu Caansan Yurub Ka Qoreen

Suuqa kala iibsiga ee xagaagan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid kamid ah suuqyadii ugu mashquulka badnaa abid kubadda cagta maadaama oo ay badan yihiin kooxaha waaweyn ee baahida u qaba inay is hubeeyaan.

 

Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo wixii ay wargeysyada Yurub ka qoreen dhaq-dhaqaaqa suuqa saaka oo Jimce ah.

Gianluigi Buffon => Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa qiimaynaysa inay u dhaqaaqdo saxeexa goolhayaha ree Talyaani ee Buffon oo haatan koox la’aan ah kaddib markii uu ka tagay PSG, Barca ayaa doonaysa inay Buffon bedel uga dhigato Cillissen oo kooxdeeda kasii jeeda. (Mundo Deportivo)

Daniel James => Man United

 

 

Man United ayaa tijaabada caafimaadka marisay da’yarka Swansea ee Daniel James kaas oo ay dhawaan si rasmi ah heshiiskiisa ugu dhawaaqi doonto, Da’yarkan oo mushahar ahaan u qaadan jiray £4000 ayaa United ka qaadan doona £67,000. (Daily Mail)

De Ligt => PSG & Barcelona

Man United ayaa haatan si rasmi ah uga baxday heshiiska lagu doonayo da’yarka Ajax ee Matthijs De Ligt waxaana uu 19 jirkani si kama dambays ah u kala dooran doonaa Barcelona iyo PSG. (Marca).

Ferland Mendy => Real Madrid

 

 

eal Madrid iyo Lyon ayaa wali kawada xaajoonaya heshiis ay kula kala wareegayaan Ferland Mendy, Kooxda ree France ayaa dalbanaysa lacag ka sarreysa 55 Milyan. (Le10Sport)

Neymar JR => Barcelona

Neymar ayaa lagu soo warramayaa inuusan wax xiiso ah u hayn ku biirista kooxda Real Madrid isla markaana uu door bidayo inuu dib ugu biiro Barcelona. (SPORT)

Moussa Dembele => Manchester United, Liverpool, Arsenal iyo Barcelona

Kooxaha kala ah Manchester United, Liverpool, Arsenal iyo Barcelona ayaa dhammaantood ku dagaalami doona saxeexa weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele. (L’Equipe)

Christian Eriksen => Inter Milan

Kooxda tababare Antonio Conte ee Inter Milan ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee xiiso u muujisay Eriksen waxaana ay saxeexiisa kula loolami doonaan Real Madrid. (Daily Mail)

Nicolas Pepe => Liverpool

Liverpool ayaa lasoo sheegayaa kusii dhawaanayso saxeexa garabka kooxda Lile ee Nicolas Pepe kaas oo ay ka gudbiyeen dalab ku dhawaad 80 Milyan ah. (L’Equipe)

Aaron Wan-Bissaka & Thomas Meunier => Man United

Manchester United ayaa doonaysa inay xagaagan Crystal Palace kala soo saxeexato daafaca midig ee Aaron Wan-Bissaka balse waxay u wareegi doonaan Thomas Meunier oo PSG ka tirsan haddii ay waayaan. (L’Equipe)

Joao Cancelo => Manchester City

Man City ayaa kusii dhawaanaysa dhammaystirka saxeexa daafaca midig ee kooxda Juventus ee Joao Cancelo kaas oo ay 50 Milyan kula soo saxeexanayaan. (SportMediaset)

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker