Khatarta Shuban Biyoodka & Xiliga Roobka. Waxa Diyariyey: Dr. Jamal Awil Dirir

Xanunka Shuban Biyoodka o loo yaqaano (Cholera) ayaa ah mid khatar weyn ku haya wadamada soo koraya gaar ahaan Somaliland iyo guud ahaan geyiga ay Somalidu degto.

Shan qodob oo muhiim ah ayan ka sheegi doonaa xanuunka.

  1. Muxuu yahay Cholera (Shuban Biyood):   

    waa xanuun ay keento bakteeriya loo yaqaano (Vibrio cholera).

    Xanuunkan waa soo boodo ama waxa loo yaqaano (acute) kaasoo mudo kooban ku dhaca qofka.

    Waxay bakteeriyadan degtaa habdhiska dheef-shiidka Bani-Aadamka (Digestive system) gaar ahaan mindhicirka yar (Small Intestine). Halkaas oo ay ku keento xanuunkan Shuban Biyoodka.

 

  1. Qaabka Xanuunku Ugudbo ama Loo Kala Qaado:

    Xanuunkan wuxu ku gudbaa marka qofku cabo ama cuno cunto (contaminated food or water) oo ay so gaadhay bakteeriyada xanunka keenta (Vibrio Cholera), taas oo ka timi qof xanuunka qabay.

    Sido kale hadii qofku caawinayo ama la joogo bukaan qaba xanunka Shuban Biyoodka isla markana aanu ka taxadirin nadaafdiisa gaar ahaan gacmihiisa wuu qaadi karaa xanuunka.

 

  1. Calaamadaha Lagu Garto Xanuunka:
  1. Shuban biyo ah oo degdega  (saacado ilaa 3 maalmod gudahood)
  2. Mantag marka qofku cuntada cuno kadib
  3. Fuuq bax qofka ku yimaada (Indhaha oo gota iyo afkoo qalala)
  4. Kaadida qofka oo yaraata ama qaban weyda.
  5. Tabar yaraan iyo daal fara badan

     

  1. Side Loo Daweeyaa Xanuunkan:

    Hadii aad isku aragtid calaamadaha aan soo sheegay fadlan samee talaaboyinka.

  • Si dhakhso ah ula xidhiidh xarunta caafimaad ee kuugu dhow
  • Cab biyo badan ama ORS hadii aad heshid
  • Hadii qofku aad u fuuq baxay ama waxba afka ka qaadan karin wa in faleebo lagu xidhaa
  •  Dawada Shuban Biyoodka wa in qofku qaataa (Antibiotics)
  • Cunto iyo biyo nadiifa wa in qofku qaata, isla markana ilaaliyaa nadafada degankiisa.

“Muhiimada ugu weyn ee daweynta xanuunku waa in fuuqa baxa la joojiyo”

  1. Side Looga Hor Tagi Karaa Xanuunkan:
  • Nadaafada biyaha iyo cuntada oo la hagaajiyo
  • Meelaha biyaha laga helo sida ceelasha iyo baliyada wa in faya-dhawrkooda la hubiyaa
  • Waa in dadku isticmaalaan suuliyada si aan saxaradu dibada ugu bixin
  • Waa in qofku faraxasha weliba saabuun isticmala ka dib marka uu suuliga ka so baxo
  • Wa in qofku  faraxashaa weliba saabuun isticmaalaa ka hor cuntada intanu cunin
  •  Meelaha miyiga ah wa inaan dadku ku saxaroon meelaha biyaha u dhow ama ceelasha
  • Waa in dadka la wacyi galiyaa xiliga roobka oo ah xiliyada xanunka la arko
  • Qofkii shuban badan lagu arko wa in xarumaha caafimaad loo qado si xanuunka lo ilaaliyo fiditaankiisa, qofkana loo siiyo kaalmo caafimaaad o degdeg ah.

 

Fariinta Dhakhtarka

(ilaali Nadafada Deegaankaga iyo Dadkaga……. Caafimaadkaagaa Ku Xidhane)

Dr. Jamal Awil Dirir

Jamaludiin2011@gmail.com

Hargeisa, Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker