Dhacdo Murugo badan leh : Hooyo iyo laba Caruur ah oo ay xambaarsanayd oo Daad Qaaday iyo Madaxweyne Biixi oo Caawa gaadhay Qoyska khasaaruhu soo gaadhay

Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu gaadhay xaafadda qudhac-dheer oo uu ka dhacay qadar Alle, kaas oo ay sababeen roobabkii galabta ka da’ayey dalka gaar ahaan kuwii caasimada Hargeysa, oo daadadkii ka soo rogmaday ay caawa qaadeen hooyo iyo laba caruurta oo ay dhashay.

Hooyadan daadku qaaday ayaa xambaarsanayd wiil yar, sidoo kalena ay wehelinaysay gabadh yar oo ay dhashay, kuwaas gebi ahaanba daadku la tegay, markii uu daadku soo gaadhay guri jiingad ahaa oo ay laba maalmood ka hor uun kiraysteen kuna dhexyaalay dooxa, waxaana la soo helay hooyadii oo hada koomo ku jirta iyo gabadhii yarayd oo mayd ah, halka wiilkii yaraa ee hooyadu dhabarka ku sidayna la raadinayo.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay goobtaasi waxa uu la kulmay aabaha qoyskaasi oo lagu magacaabo Axmed Qorane oo ay hadaladiisii ka mid ahaayeen “markay telefoonka igu soo dhufatay ee ay alla hoogayey tidhi een soo cararay ee aan meel alle meel aan u maro waayey ee dooxii iga dheeraaday ayaan anna dib isaga noqday, ka dib sandaqadii ayuu laba u kala gooyeen bixiyihii dooxu, wax dhacday in xitaa ummaddii badbaadin kari wayday caruurtii” goobtaasi oo ay soo degeen laba maalmood ka hor uun ayuu sheegay aabbo Axmed Qorane in laga kireeyey waxaana meesha keenay aqoon la’aan ayuu yidhi isagoo madaxweynaha u sharxaya sida ay wax u dhaceen.

FAAHFAAHIN WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker