Dawladda Sacuudiga oo raalli gelin ka bixiyey muuqaallada dumar lagdamayey oo la baahiyey

Wakaaladda Ciyaaraha Sacuudiga ayaa raalli gelin ka bixisay muuqaallada haween tartanka lagdinta ka qayb galay xilli ay ciyaarta lagdinta (musaaracada) socotay.

Rag iyo dumar ayaa u daawasha tegay ciyaartaasi, sida oo kalana looma oggoleyn iney dumar tartaankaasi ka qayb qaataan.

Tartanka ciyaarta madadaalada ee loo yaqaanno musaaracada (WWE) waxaa lagu qabtay magaalada Jidda iyada oo ay ciyaartaasi marti gelineysay Boqortooyada.

Telefishiinka qaranka ayaa joojiyey baahinta tartanka ciyaartaasi oo toos uga socotay markii uu soo galay muuqaal dumar oo ka mid ahayd dadka tartanka uu dhexmarayey.

Xilliga ay ciyaarta legdinta socotay waxaa laga daawanayey dhalooyin waaweyn oo magaalada lagu rakibay.

Wakaaladda Ciyaaraha Sacuudiga ayaa raalli gelin ka bixisay waxa ay ku sheegtay “Muuqaalka Ceebta leh”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker