Magaalo aanay Booliisku ku dhici karin inay ka baxaan saldhigyadooda ?

Dadku ma buunbuuniyaan marka ay leeyihiin “booliisku waxay u nool yihiin sidii iyag oo ah kuwa xabsiga ku jira” Tibú, oo ah degmo xuduud la leh Colombia iyo Venezuela.

Saraakiisha halkan joogtaa ma tagi karaan makhaayadaha bulshada xitaa marka ay fasaxa ku jiraan, kuwo badan oo ganacsatada ka mid ah waa ay diidaan in ay wax ka iibiyaan iyaga iyo qoysaskooda.

Marar badan waxaa dhaca weerarro, hanjabaad iyo xitaa mararka qaarkood in la dilo.

Saldhigyada booliiska waxaa ku hareereysan fiillooyin lagu taxay oo u gaar ah amniga goobtaas, daaqadaha waxaa lagu xidhay sibidh ama leben, darbiyada aan xabadu karin ayaa muujinaya in goobtu tahay goob iska horimaad dhawaan ka dhacay.

Tibú waa wadada ugu weyn ee aada Catatumbo, oo ah saxare aad u balaadhan, buuraley ah iyo dhul daaqsimeed si wada jir ah loo isticmaalo inta udhaxeysa Kolombiya iyo Venezuela halkaas oo wax soo saarka Cocaine-ka uu ku kobco, kooxaha hubaysanna ay ku kala qaybsan yihiin oo ay halkaas muhiim ka yihiin.

Cabsi ayaa halkaas ka jirtay tan iyo dagaalkii ugu xumaa ee ka dhaca, sagaashamaadkii, waxayna hadda u muuqataa markale inay dib u soo cusboonaatay ka ganacsiga maandooriyaha.

Heshiiskii nabadeed ee ay dawladda iyo jabhaduhu kala saxeexdeen sannadkii 2016-kii ayaa u muuqda mid burburay hadda.

Waddooyinka ku teedsan xarunta Tibú ayaa waxaa ku yaalay dukaamo, kafateeriyo, iyo jardiin yar oo madadaalo ah halkaas oo dumar jidhkooda ka ganacsada iyo qoob-ka-ciyaar lagu maaweeliyo dadka deegaanka.

Wax kasta oo u muuq eeg (Booliska) waa in laga fogaadaa” ayuu yidhi nin deris ah oo gurigiisii iyo meheraddiisa ka tegay oo magaalo kale u guuray.

Mid kale oo deris ah, oo aqoonsigiisa loo qariyay sababo ammaan, ayaa sheeganaya in loo hanjabay maadaama qoyskiisa xidhiidh la leeyahay booliiska.

Waxa ay siiyeen digniintii ugu dambaysay, waxa uu go’aansaday in uu iibiyo wixii uu awoodi karayay, isaga oo kaashanaya bulshada waxa uu ku guulaystay in uu baxsado.

Nin kale gurigiisu waxa uu ku hor yaallaa saldhigga hortiisa, waxana uu la raadiyey kiro, laakiin ma jirto cid u baahani.

“Waxay nagu yiraahdeen: ‘Haddii aydaan bixin, markaas qof kasta oo idinka mid ah wuu dhiman doonaa, sababtoo ah waxaan ku weerari doonnaa saldhigga booliiska bam,” ayaa ay u sheegen qolo ka tirsan kooxaha isku haya meeshan.

Ciidamada Booliska ee ku sugan gudaha saldhiga ayaa dareemaya in ay dagaal ku jiraan,

“Waa inaan dib u dayactir ku sameynaa xarumahan oo aan iska difaacno ciidamada gaarka ah ee dowladda, dabcan taasi waa mid aad qaali u ah.”

Mar la weydiiyay mid ka mid ah mas’uuliyiinta inuu sharraxaad ka bixiyo sababta ay arrintani ku noqon karto waddan dhaqaale badan ku bixiya difaaca, marka loo eego dalalka kale ee Latin Amerika, wuxuu ku jawaabay aamusnaan aan caadi ahayn, isagoo gacmaha kala qaaday sidii inuu wax sheegayo, wuxuuna ku soo gabagabeeyay: “Ma garanayo, runtu waxay tahay, ma hayo wax sharraxaad ah. “Taas awgeed”.

Dayactir yar ayaa ka socda qayb ka mid ah dhismaha, laakiin shaqaalaha iyo qalabka dhismaha ayaa laga keenay gobol kale oo dalka ah, sababtoo ah goob kasta oo ay ku lug leeyihiin booliska ayaa khatar ku jirta.

Sidaas oo kale waa cuntada waxa ay ka soo gataan caasimadda ugu dhow, Cúcuta, si ay isla iyagu naftooda wax uga karsadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker