Madaxwaynayaashii kasoo jeeday Beesha Abgaal oo dhamaantood Isbahaystay ,iyagoo kala ah , Xasan Sh Maxamuud, Sh Shariif Sh Ahmed , iyo Cali Mahdi Maxamed ( Cali Mahdi) + Sawirada

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gurigiisa ku booqday Madaxweynihi hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.oo ay Isku Beel kasoo wadajeedaan.

Booqashadan oo aheyd salaan ayey sadexda Madaxweyne kaga sheekeysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka , inksastoo aan laga hayn wax Tafaasiila oo ay bixiyeen Hadana Ilo wareedyo ku dhaw dhaw ayaa Tibaaxaya  , In booqashadani u muuqato mid ay taageero kaga raadsanayeen madaxwayne Ali Mahdi.

 

Cali Mahdi Maxamed oo haatan ah ganacsade ayaa siyaasadda iskaga baxay mudo hore, waxuuna Somalia ka soo noqday Madaxweyne 1991kii markii ay burburtay dowladii Kacaanka oo jabhado hubeysan ay dagaal kaga saareen magaalada Muqdisho inkastoo dowladiisa aysan waqti badan sii jirin markii ay la kulantay dagaalo sokeeye oo dhiig badan uu ku daatay.

  

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker