Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Oo Booqashadii Ugu Horeesay Ku Tegay Sacuudiga

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, Mike Pompeo oo booqashadiisi ugu horeesay ku tegay bariga dhexe tan iyo intii loo magacaaabay xilkaasi ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray dedaalada dowladda Iran ay ku dooneyso inay ku carqaladeyso dowladaha gobolka.

Mike Pompeo oo horay u ahaa agaasimihii hey’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa loo magacaabay xilkan, kadib markii madaxweyne Trump uu xilka ka qaaday Rex Tellerson, waxaana Pompeo uu dalka Sacuudiga wadahadal kula yeeshay dhigiisa Sacuudi Carabiya, isagoona ku nuxnuuxsaday sida Mareykanka ay uga go’antahay in dowladda Iran marnaba aysan helin hubka Nukleyrka.

Sarkaal kan ugu sareeya wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa dowladda dalkaasi ku edeeyay inay hub siiso dagaalamayaasha Xuutiyiinta ee ka dagaalama wadanka yemen, kuwaasi oo dhawaan gantaalo kusoo weeraray Sacuudiga.

Pompeo ayaa sidoo kale ku baaqay xasilooni siyaasadeed oo ka aslaxda dalka Yemen oo ay dagaalo halakeyeen, halkaasi oo dowladda Sacuudiga ay la safatay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Abdu Rabu Mansuur haadi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker