Xukuumadda Somaliland oo ku dhawaaqday in la furan karo Ururrada Siyaasadda

Hargeysa (OWN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in la furay Ururrada Siyaasadda isla-markaana Siyaasiyiinta dalku wixii imika ka dambeeya u Madax-banaan yihiin inay furtaan Ururrada Siyaasadda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo Gelinkii dambe ee Maanta, ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu fasaxay furashada Ururrada Siyaasadda dalka.

Wasiir Koore oo arrintaa ku dhawaaqayaana wuxuu yidhi “Haddaynaan noqon dad ku dhaqma oo isku dhaqa sharciga dalka, waxaynu noqonaynaa Dal fawdo ah oo aan nidaam iyo kala dambayn ka jirin”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Madaxweynuhu isagoo ixtiraamaya sharciga dalka, isagoo ixtiraamaya doonista dadka, isagoo fulinaya sharciga iyo dastuurka dalka waxa uu aqoonsan yahay inay furan yihiin ururada Siyaasaddu..” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker