Safaaradda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta Oo Sharaxaad Ka Bixisay isbedelo ay samaynayso Dawladda Imaaraadka Carabta.

Safaaradda Somaliland ee dalka  Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in bulshada Somaliland ay saamayn ku yeelan doonaan isbedelo ay samaynayso wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta. Waxa uu Xafiisku bulshada ugu baaqay in ay u samraan muddada isbedelkaasi socdo.

 

 

War Qoraal ah oo xafiiska ka soo baxay ayaa sidan u dhigan:-

 

Xafiiska Somaliland ee UAE waxa uu ku wargalinayaa muwaadiniinta Somaliland ee dalkan ku dhaqan Imaaradka in wasaarada Arrimaha dibadda ee UAE ay samaynayso isbedel saameyn ku yeelan kara qaar ka mid aha dadka reer Somaliland ee ku dhaqan. Sidaa daraadeed waxay hay’addaha UAE iyo Somaliland ee arrimahani khuseeyaan ka wada shaqaynayaan sidii aanay muwaadiniintasi isbedelkaasi aanu dhib uga soo gaadhin.

 

Sida aynu la wada socono dowladda Imaaraadka Carabta waxay ogolaatay in dalkeeda Lagu yimaado baasaaboorka Somaliland loona fiiseeyo.

Haddaba wixii kasoo korodha xafiiska Somaliland ee UAE ayaa idla socodsiin doona oo diyaar u ah inuu gacan ka siiyo muwaadiniinta reer Somaliland.”

Xafiiska Safaarada Somaliland Ee UAE wax tafaasiil ah kama bixin isbedelada waxaanu sheegay in aanay wali dhammaystirnayn hawlaha ogolaanshaha Fiisaha Somaliland, islamarkaana ay jiraan arrimo wali laga wada hadlayo.

Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa isku xumaaday waxaana la sheegayay in basaboorka Soomaaliya meesha laga saarayo arrintaas oo jawaab u ah ficillo Imaaraadku dhibsaday oo Muqdisho ku kacday.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker