Kumannaan qof Oo Ka Qaxaya Dagaalo Kasoo Cusboonaaday Myanmar

Kumannaan qof ayaa waxa ay isaga carareen dagaalo soo cusboonaaday oo u dhaxeeya milateriga Myanmar iyo fallaagada qowmiyadda Kachin, kuwaas oo ay dirir ku dhexmarayso gobolka waqooyiga ee dalkaasi.

 

Qiyaastii 4,000 oo qof ayaa tan iyo bilowgii bishan Abriil waxaa ay ka qaxeen guryahooda, sida ay Qaramada Midoobay sheegayso.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii ay cirka isku shareertay colaad muddo dheer soo jirtay oo u dhaxeysay Ururka Xornima-doonka Kachin (KIO) iyo ciidammada dowladda.

Milateriga Myanmar ayaa la sheegayaa inuu fallaagada ku baacsanayo duqeymo dhanka cirka ah iyo madaafiicda dhulka.

 

 

Xilli kumannaan qof ay halkaasi ku barakaceen, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in badan ay ku go’doonsan yihiin goobaha ay qulqulatada ka taagan tahay, ee u dhaw xadka Shiinaha.

Hay’adaha gargaarka ayaa waxa ay ugu baaqeen dowladda inay u ogolaato inay halkaasi galaangal u yeeshaan.

“Walaaca ugu weyn ee aannu qabnaa ayaa ah badqabka dadka rayidka ah – oo ay ka midka yihiin haweenka xaamilka ah, kuwa da’da ah, carruurta yaryar iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Ayuu Mark Cutts, Madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNOCHA, u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker