Culimadu may ka hadlaan?

Markii culimadu ku boorriso madaxda ama dadweynaha samaynta wanaaga ama ay ka reebto xumaanta dad baa qaylo ku dhufta iyagoo leh culimadu maxay arrintaan uga hadlayaan may ka hadlaan arrimahaas kale iwm.

Ugu horrayn aynu ogaano inay culimadu fulinayaan amar Ilaahay ee aysan ku hawlgalayn waxyaabaha fadhi ku dirirka looga sheekaysto.

Tan labaad iyagaa xilka saaran iyo baahida taagan uga aqoon badan dadka sidaa yeela iyo ha yeelinina ku oranaya.

Tan seddexaad dadka sidaa u hadlaya inay ixtiraam darro ku keceen ka sokow dan kama leh in culimadu ka hadasho arrimaha ay sheegayaan ee waxay badanaa ugu gabbanayaan wax ka sheegga Culimada ama difaaca munkarka culimadu ka digayaan.

Ugu dambayn Ibliis wuxuu ku halaagsamay nacaybkii uu nabi Aadam u qabey oo gaarsiiyey inuu amarka Ilaahay diido. Sida muuqata dad badan oo soomaali ah ayaa nacaybka culimadu la galay inay diinta ka horyimaadaan iyagoo is leh Culimada ku xumeeya ee ragow ha ku naar mudanina Sheekh hebel ku xumee darteed.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker