Sababta Ay Itoobiya Somaliland Uga Caawin Wayday La Dagaalanka Ayaxa

Wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed ayaa sheegay inay dawlada Itoobiya awoodi wayday inay Somaliland ka buufiso Ayaxa kadib markii uu dalkeeda si daran ugu faafay, waxa uu wasiirku sheegay inay marka hore ku heshiiyeen in ay Somaliland ka taageeraan dagaalka Ayaxa se ay suuroobi wayday.

Wasiirka beeraha oo hortagay gudida joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa ay warbaahintu waydiisay halka ay ku danbaysay diyaaradii Itoobiya ee Somaliland ka caawinayay dagaalka Ayaxa, waxaanu yidhi“ Waddanka aan  jaarka nahay ee Itoobiya  xidhiidh wanaagsan ayaa na dhexmaray wasirka dhigayga ah ee deegaanka ee Itoobiya oo aan ka waddahadalnay in waagii dhawayd ay hawshaa wax nagala qabtaan, markaas Ayaxii dalka oo dhan ayuu ku baahay dalka Itoobiyana culays badan ayaa saarnaa  Ayaxuna waxa uu u badnaa dhanka Itoobiya  intii ay dhibaatada la tacaalayeen  waan ku heshiinay inay na soo gaadhaan laakiin waa ay na soo gaadhi kari waayeen, dhibaatadii oo iyaga ku baahday awgeed.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker