XUSUUS-QORKAYGA GOOBTII CAYNABA 2; IYO BEENIN MAQAALKA (MAXAMED SIYAAD VS MAXAMED KAAHIN), EE UU QORAY AXMED NOUR GURUJE.

Akhristeyaal, gabbalkii ayaa dhacay. Guud ahaanna, niyadda ciidanku may wanaagsanayn, sababtuna waxay ahayd jabkii iyo khasaarihii dhimashada iyo dhaawacaba badnaa, ee shalay uu noo geystay ciidanka cadowgu. Sidaasoo ay ahay, haddana waxaannu diyaar u ahayn, in aannu ciidamada cadowga soo weerarno, si miidaamo ah oo aanu qof naga mid ahi dib u jeesan.

Akhristeyaal, maalintan aannu Burco soo weerarnay, maalin ama laba maalmood ka hor, Berbera ayaa ciidankii SNM ee loo qorsheeyay iyana weerareen. Tan waxaannu ku ogaannay raadiyawyada dhegaysiga ah, iyo BBC-da afka Soomaaliga, oo iyadana aannu mar-mar ka dhegaysanno isla raadiyayaashan dhegaysiga ah (RACAL).

DHAWAAQII CUMAR CARTE QAALIB.

Ciidankan SNM ee dagaalka kula jira ciidanka cadowgu wax xog ah kama hayn waxa Muqdisho ka dhacaya. Saraakiisha iyo saraakiil-xigeenka  maamulka ahina ciidan-weynaha ayuun bay kala mid ahaayeen xog-ogaal la’aanta waxa Xamar ka dhacaya. Isha keliya ee noo war ahi waa BBC-da afka Soomaaliga ah. Taasina warkeedu ma buurnayn. Muddaharaadyo ka bilaabma qaar ka mid ah masaajiddada Xamar salaadda Jimcaha dabadeed ayay aad uga faalootaa. Mar-marna, waxay sheegtaa in gobollada dhexe, jubbada sare, iyo baay ay ka dhaceen dagaallo lagaga hor-jeedo dawladda Soomaaliya.

Waqti aan filayo inay ahayd maalintaa aannu Burco ku jabnay habeennimadeedii, ayaa Cumar Carte Qaalib kaga dhawaaqay idaacaddii dawladda ee Muqdisho, qaraar ka koobnaa qodobbo dhawr ah, oo uu u arkay in ay wax ka tarayaan joojinta dagaallada sokeeye iyo colaadaha isa soo taraya, ee dalku ku jiray ilaa muddo 12 sano ah. Qodobbadaas mid ka mid ah ayaa ahaa “in dhammaan ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan jabhadaha hubaysan ee dalka ka jira. Isla mar ahaantaana, meel kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah, oo dagaal ay isku hor-fadhiyaan ciidanka dawladda iyo jabhadi, hubka lagu wareejiyo ciidamada jabhadda. Madaxda jabhadahana wuxuu ka codsaday in ay joojiyaan colaadda iyo dagaalka oo ay badbaadiyaan nafta, sharafta, iyo karaamada ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed –waan jeclaan lahaa in aan helo asalka qaraarkaas oo hadalkii ah ama qoraalkii- Cumar Carte Qaalib, Ismaaciil Cali Abokor, iyo rag kale oo badan oo isugu jiray saraakiishii golihii kacaankii 1969-kii ee Maxamed Siyaad Barre iyo saraakiil kaleba, waxaa la xidh-xidhay 1982-dii, iyadoo lagu eedeeyay kacaan-diid iyo in ay khiyaameeyeen waddankooda. Eeddaas oo ahayd mid aanay waxba ka jirine been-abuur ahayd. Shan sano markii ay xidhnaayeenna waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. Beri dambe ayaa Maxamed Siyaad Barre iska soo daayay. Xadhigga odayaashaasi, waa mid ka mid ah dhimbiilihii huriyay asaaskii Ururkii Dhaq-dhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement). Cumar Carte, markan uu hadalka jeedinayo wuxuu ku magacaaban yahay ra’iisal wazaaraha Soomaaliya. Iima kala cadda, Cumar Carte in guddidii maanifeesto la baxday ee Muqdisho ee Cali Mahdi hoggaaminayay ay magacowday iyo in Maxamed Siyaad Barre magacaabay

Akhristeyaal, aan idinku celiyo habeenkii oo dumay iyo tuulada Cadow-yuurura oo Burco hawdkeeda dhow ah iyo ciidankayagii. Galabnimadii waa annagii jid-goynta u galnay ciidankii cadowga ee Oodwayne ka soo guuray. Hal taangi 55 ah waa ka gubnay, banka Arooriyaad dhexdiisa. Isla maalintaas ay Oodwayne soo banneeyeen ciidammada cadowgu, waxay sidaas si la mid soo banneeyeen buundada Beereed, oo ay si xooggan u degganaayeen.

Markii maqrib la tukaday, hal cabbaar ah dabadeed oo aan weli cishihiina la gaadhin, ayaa taarkii dhegaysiga ahaa waxaa soo galay nin cod-weyn! Taarka waxaa dhegta ku haya, oo shaqada ku qoran taar-wale Cabdi Ibraahin. Meel aan taarka ka fogayn waxaa fadhiya, oo gorfayn iyo wada-tashi sida berri loo hawlgelayo u fadhiya, saraakiishii ciidankayaga maamulaysay. Waa intii na hawl-gelisay dorraato, oo aan mid ka maqnayn. Cabdi Ibraahim, wuxuu dhegta u dhigayaa, ninka codka weyn ee soo galay raadiyaha. “Waryaa ma I maqashaa” ayuu cod weyn oo deg-deg ka muuqdo, oo aad mooddo inaanu naga fogayn, ku yidhi. “Haa taliye waa ku maqlaa” ayaa loogu hal-celiyay. Jawaabtu waxay noogu baxaysaa si maqalkeedu liito. “  Lambar X ma kuu dhow yahay” ayuu ninkii codka waynaa yidhi. Wuxuu sheegay lambar tiro ka hoosaysa 10 kana badan 5, oo aan illaaway, sidaas awgeed ayaan idiinku soo qoray X. “Haa, waa ii dhow yahay taliye” ayaa jawaabtii maqalkeedu nagu liitay ugu jawaabtay ninkii codka weynee. Ilaa laba daqiiqo, oo aan is-leeyahay lambarkii la waydiiyay ayuu u yeedhayaa, ayay kala maqnaayeen labadii raadiye ee cadowga, ee wada hadlaayey. Intaa ay maqnaayeen, ayuu taar-dhegaystahayagii Cabdi Ibraahim u yimi saraakiishii, oo u sheegay in Gen. Cabdicaziiz Cali Barre, taarka si toos ah u fadhiyo. Dheg jalaq uma ay siine! Qorshahoodii iyo faalladoodii ayay iska wateen. Isaguna (Cabdi Ibraahim), waa iskaga yimi. Ninkii codka weynaa ayaa soo galay taarkii “Hallow lambar X! ma I maqashaa” oo deg-deg ah ayuu yidhi. “Haa taliye! Si fiican” ayaa loogu jawaabay. Halkaa markay maraysay, ayay afkii beddeleen. Cabdi Ibraahim, ayaa dhawaaq gaaban ugu sheegay saraakiishii na maamulaysay, in nimankii af-ruush ku wada hadlayaan! Col. Cali-xuunsho, ayaa deg-deg u soo kacay, oo dhegta u dhigay wada-hadalkii Gen. Cabdicaziiz Cali Barre oo Burco jooga iyo ninkii ay wada hadlayeen. Halkii ayuu noogu sheegay Col. Cali-xuunsho, in ninka codka weyni yahay Gen. Cabdicaziiz Cali Barre, kan uu la hadlayaana yahay Gen. Ilka-jiir oo Ceeri-gaabo jooga. Col. Cali-xuunsho, wuxuu intaa noogu daray, in Gen. Cabdicaziiz Cali Barre uu hadda Berbera ka yimi, isaga iyo Gen. Ilka-jiir, iyo ciidammadooduba ay baxayaan, oo bannaynayaan Burco iyo Ceeri-gaabo, sida ay u kala horreeyaan. Intaa dabadeed, Col. Cali-xuunsho wuxuu ku noqday goobtii ay saraakiishii na maamulaysay fadhiyeen.

Xogtan af-ruushka ah, ee aannu ka maqallay raadiyaha dhegaysiga ah, ee uu noo turjumay Col. Cali-xuunsho, aniga, Cabdi Ibraahim iyo intii ugu hor-maqashay, midkaayana ma rumaysan. Warkii ayaa si quyar-quyar ah ugu dhex-faafay ciidankii. Ciidan-waynhiina, ma rumaysan, ee waxaa loo qaatay uun dhiirri-gelin (moral support). Dhanka kale, warkan af-ruushka ahi wuxuu ahaa xujo dul-sudhan Col. Cali-xuunsho, oo haddii la rumaysto oo dagaalkii loo ballamay berrito baaqdo, intaa dabadeedna turjumaddii ay noqoto mid aan jirin, mas’uuliyadda hawl-galkaa baaqday waxaa dhabarka u ridanaya Col. Cali-xuunsho. Taasina waxay la daadegaysaa sharaftida iyo ku-kalsoonaanta guud ahaan kornaylada ciidanka SNM, gaar ahaanna sharafta Col. Cali-xuunsho.

Goor ay 9-kii fiidnimo ku dhowdahay, ayaa waxaa si lama filaan ah u yimi halkii aanu degganayn gaadhi landcruiser (Cabdi Bile). Ilaaladayadii ayaa joojiyay, si taxadir leh! Waxaa ka soo degay AHUN Col. Cabdi-jabane, oo ka tirsanaa ciidankan cadowga ee fadhigiisu ahaa Burco. Waa keligii iyo darawalka gaadhiga u wada. Si geesinnimo iyo isku-kalsooniyi ka muuqato, ayuu ugu sheegay ilaaladii joojisay derejadiisa iyo ka uu yahay. Intaas ka dibna wuxuu u sheegay in loo geeyo saraakiisha ciidankan maamulaysa. Way soo kexeeyeen, oo keeneen halkii ay joogeen saraakiishii na maamulaysay. Nabdaado ka dib! Wuxuu u sheegay saraakiishii, in Gen. Cabdicaziiz  ciidan uu watay oo xagga Berbera kala  yimi, iyo ciidan halkan kaga biirayba ay ka baxeen Burco, oo ay waddada laamiga ah bari u qaadeen, wakhti saacad ka yar ka hor. Aniguna saraakiishii iyo ciidankii soo hadhay aan ka socdo, oo aan ku socdo in aan idin soo gaadhsiiyo, in ciidanka Burco jooga aydaan ugu soo talo-gelin in ay idinla dagaallamayaan. Tani waxay rumaysay tarjumaddii Col. Cali-xuunsho, ee wada-hadalkii Gen. C/caziiz iyo Gen. Ilka-jiir isku waydaarsadeen raadiyaha, annaguna aannu ka ogaanay raadiyihii dhegaysiga ahaa, oo sahankayagu aad ugu tiirsanaa.

Waxaan xasuustaa in hadal kulul oo nuxurkiisu ahaa “Maxaad uga soo hadheen taliyihiinnaa jabay, adiga iyo raga kula midka ahi” ay Col. Xassan-kayd iyo Col. Maxamed Kaahin ku yidhaahdeen Col. Cabdi-jabane. Isaguna, aanu dhufayska uga bixine, uu si kalsooni badan leh, ugu sheegay ujeeddadiisa ahayd inuu farriintan soo gaadhsiiyo. Waxaa kale oo uu u sheegay, inuu dib ugu noqonayo Burco, wuuna ku noqday.  Habeenkaa, waxaannu ku jirnay dareen isku-dhafan, laakiin inta badan aannu ka shakisanayn in farriintan iyo warkani dhab yahay, oo aannaan rumaysan.

Waagii ayaa beryay. Ciidankii laba madax oo weerar u dhisan ayaa loo qaybiyay, iyadoo lagu xisaabtamayo dhimashadii dagaal-yahannadii gaadhayay ilaa kontonka nin, iyo gaadiidkii dagaalka ee dorraad cadowgu naga qabsaday. Salaaddii subax markii la tukaday, ayaa warkii xalay yimi ciidankii si guud loogu sheegay. Col. Maxamed Kaahin iyo Col. Xassan-kayd ayaa hadalka isu daba-maray. Waxay hadal ku soo gebo-gebeeyaan, in aynu sidii dorraato oo kale weerar nahay, laakiin ilaa rasaas la innagu rido aynaan rasaas bilaabayn. Haddii aan dagaal ina qabsanna, waxaynu ciidankeenna iyo taliskeennaba isugu keenaynaa iskuulka Jarmalka, waa dugsigii farsamada gacanta ee Burco, ee caanka ahaa. Sidii ayaannu gaadiidka ku fuulnay, annagoo dagaal diyaar u ah, oo qori waliba cabbaysan yahay, oo ku dareernay Burco. Sidii caadada ahayd, halka Ilma-sheekh la yidhaahdo, ayaa labadii madax ee ciidanka ahaa ku kala baydheen. Madaxda colalka maamulaysa waxba lagama beddeline, waa kuwii dorraato markii nala soo jebiyay ciidanka watay. Aniga nasiibku wuxuu igu daray, qolada magaalada si toos ah ka soo gelaysa waddada Cadow-yuurura ka timaadda, ee soo maraysa goobtii caanka u ahayd ciidammada cadowga ee la odhan jiray Barta Kulanka.

Sidii annagoo ku soconayna socod dagaal, oo gaadhiba gaadhiga kale u jiro ilaa 70 mitir, ayaannu daarihii dunsanaa ee Burco dacalka ka soo galay. Qof ishayadu qabato waxaa noogu horeeyay, toga yar ee xaar-wada la yidhaahdo, waa halka iminka uu ka dhisan yahay biriishka lugta ah ee shirkadda Dahabshiil dhistay. Waa dad teel-teel ah, oo dumar u badan, oo waddada hareeraha ka taagan! Waxay lulayaan ubaxyo caag ah! Waxay leeyihiin, guusha yaa leh? SNM baa leh. Soo dhowaada,…..Soo dhowaada! Dhawaaqyo aan intaa ka xasuusto, ayay ku cel-celinayaan

Fajac iyo farxad is-barkan! Haddii aannu waddada hore u raacnay, oo aanu marayno gooladda Balcadda la yidhaahdo, ayaa waxaa waddada dhinaceeda taagan Col. Maxamed Kaahin. Marba gaadhiga soo gaadha ayuu gacanta u taagayaa, si uu u joogsado. Annaga markuu na joojiyay, wuxuu noo sheegay in si toos ah aannu u tagno iskuulkii Jarmalka. Sidii ayaannu yeelnay. Ciidankii oo dhan halkii ayaa la isugu keenay, saraakiishii noo madaxda ahaydna waa nala joogaan. Gaadiidkii taakulaynta noo siday oo cabbaar naga dambeeyayna waa noo yimaaddeen. Sidaa ayaa dorraad, shalay iyo maantu u kala duwanaayeen. Dorraad geeri naxdin badan oo dagaal-yahanno badani dhinteen, jab iyo dhibaato; Shalay colaad iyo ku-talagal inaannu dhimanno; maantana farxad iyo yididiilo, iyo in dalkii oo xor ah ilaahay nagu simay.

Ciidanka aannu Burco ugu nimi, waxay ahaayeen ciidan kala-dambayntiisa iyo is-maqalkiisu uu aad u heer-sarreeyay. Gaadiidka madaxda ee ay wateen quruxdiisa waad tacajabaysay. In kastoo, ay shalay ahaayeen ciidan aannu iska soo hor-jeednay oo cadow isu ahayn, haddana maanta taasi ma jirto, ee kaftan iyo wada-sheekaysi taxadar ka muuqdo ayaa beddelay cadaawaddii.

GEBA-GEBO:

“Caqligeenna Yaynaan Ku Lumin Cayda Suuqyada’e,

Gacmihii Is Wada Caawimaan Shayna Ku Cuslayne”

AHUN C/laahi Suldaan (Tima-Cadde).

HIBAYN

Qoraalkan xasuus-reebka ah, waxaan u hibaynayaa dhammaan inta ku agoomowday iyo hooyooyinka uu asayda saaray halgankaa lagu ridayay dawladdii keli-taliska arxanka daran ahayd. Intii  oyday markii loo sheegay in aabbahood cadaawe googooyay! Intii aan ooyin, ee aan ogaynba waxa dhacay (Mooge iyo Warla’), ee iyagoo ama uurka ku jira ama dhabarka lagu sido, ama socod-baradka ah, aabbahood wayday! Waxaan u hibaynayaa, hooyooyinkii asayda qaaday ee ciidankii iyo calankii ay hadhsan lahaayeen, u hor-seeday haydaarada iyo agoonnimada, ee dhexda u xidhay inay buuxiyaan kaalintoodii iyo kaalintii cadaawuhu ku banneeyay ee aabbennimo!

Waxaan idin leeyahay, dhibaato kasta iyo qaadan-waa kasta oo aad la kulanteen, nabadda iyo nolosha xasiloon ee aad nooshihiin waxay idiinku joogtaa dhiiggii aabbayaashiin! U abaal-guda hooyooyinka idiin buuxiyay kaalintii aabbenimo, ogaadana in aan marna la badhxi karin taariikhda halgankaa aad leedihiin! Mahadsanidin

DHAMMAAD

_____________________

Mohamoud Ahmed Oday -MBA
Freelance Consultant

+252 2 (0)634438151
Facebook: Mohamoud A. Oday
Skype: Mohamoud.Oday

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker