Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha . Real Madrid vs Atletico Madrid – Zidane Iyo Simeone Oo Madaxa Is Galiyay

Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa kulmaya bil kaddib markii ay isku haleeleen finalkii Spanish Super Cup ee lagu qabtaay waddanka Saudi Arabia, kaas oo si xarrago leh ay ugu guuleysatay Real Madrid.

Los Balancos oo hoggaanka horyaalka LaLiga saddex dhibcood ku haysa ayaa martigelinaysa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico kulanka labaad ee horyaalka ee xili ciyaareedkan, iyagoo is araggoodii hore kusoo kala baxay barbarro ay dhibcaha ku wadaageen.

 

 

Zinedine Zidane oo kaashanaya taageereyaashiisa ayaa soo naqshadayn doona qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay kooxdiisu ku naaloonayso ee ah in hal mar oo kaliya laga soo badiyey 21kii ciyaarood ee horyaalka ay kooxdiisu soo dheeshay, taas oo ka caawisay in usbuucii hore ay si buuxda ugala wareegto hoggaanka Barcelona oo ay bilo isku dhegganaayeen.

 

laakiin Atletico Madrid ayaa fadhida kaalinta shanaad waxaanu macallinkeeda xamaasadda badan ee Diego Simeone heegan soo gelin doonaa ciyaartoygiisa dagaal u joogga ah, kuwaas oo uu ku dhiirigelin doono in Bernabeu ay ka helaan saddex dhibcood si ay sare ugu sooo ruqaannsadaan iyadoo haddii laga adkaadanaya ay suurtogal tahay inay hoos uga sii dhacaan booska ay ku jiraan.

Falan-qayntaas oo Dhamaystiran Halkan Hoose ka Daawo:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker