Somaliland oo Nasiib u Heshay inay Marti Galiso Koobka Wadamada aan La Aqoonsanayn ee Conifa

 

Hargeysa(OWN):-Gudiga Sare ee Xidhiidhka  kubbadda Cagta wadamadda aan la aqoonsanayn ee CONIFA ayaa aqbalay in dalkan jamhuuriyadda Somaliland sanadka soo socda ee 2020 lagu qabto tartanka kubbadda cagta ee dalalka aan la aqoonsanayn.

 

Tani waxay daba socotay markii ururkaasi uu hore ugu soo diray Somaliland guddi xaqiiqo raadin ahayd oo dalka yimid sanadkii hore.

Waxaanay xidhiidhka Kubbadda cagta ee CONIFA markii labaad todobaadkan Somaliland u soo direen xubno u yimid sidii ay tababari lahaayeen cayaartooyga iyoin ay qiimeeyaan garoomadda Kubbadda cagta ee magaalooyinka Somaliland in lagu qaban karo cayaarahaasi.

 

 

Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Somaliland Boos Mire Maxamed, ooo ay wehelinayeen xildhibaan Bidhi oo ka tirsan golaha degaanka Burco, xoghayaha wakaaladda qurbe jooga Somaliland.

Xasan Waraabe Cade, oo ka mida dadka cayaaraha u dhaq-dhaqaaqa iyo xubno kaloo ka tirsan bahda cayaaraha Somaliland ayaa weftigaasi oo ka socday xidhiidhka CONIFA ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa.

Weftigaasi oo ka kooban laba xubnood ayaa Somaliland u yimid sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen tababaro ay siinayaan ciyaartooyga reer Somaliland, isla markaana tartanka koobka wadamadda aan la aqoonsanayn loogu qaban lahaa Somaliland.

Wasiir Boos Mire, wasiirka cayaaraha Somaliland oo madaarka diyaaradaha ee ay weftiga CONIFA ku soo dhawaynayeen warbaahinta kula hadlay ayaa tilmaamay in ay Somaliland ay guul weyn u tahay in lagu qabto sanadka 2020-ka tartanka koobka wadamadda aan la aqoonsanayn.

Isagoo xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin in weftigani ay dalka yimaadaan, “Farxad weyn ayay noo tahay in ay Hargaysa noogu yimaadaan weftigan ka socda CONIFA. Labadan nin mid kood waa kooj sare, midka kale-na waa fiisatarabiis. Labadaba waan u baahnayn. Ta kale waa u doodeyaal(advocates), inaga iyo cayaaraheenaba inoo doodi doona.

Waxa kaloo aan filaynaa in qolo kale oo iyag-na ka socda FA cup ka socdaa ay inoo yimaadaan, inta ka horaysa qabashadda koobka. Aad baan u soo dhawaynaynaa.

Waxaanan soo marin doonaa facilities keena cayaaraha oo dhan, magaalooyinkeenana waan soo wada tusi doonaa”ayuu yidhi Boose Mire.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker