Sanduuqa Horumarinta Somaliland ma Sanduuqii horumarka Mise sanduuqii Musuqmaasuqa

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa qorshe aad u qurux badan oo loo Abuuray Ummada Reer Somaliland looguna Tallo galay Inuu ahaado Tijaabo lagu eegayo in dowladda Somaliland ay iyaddu gaar keeddu u maamuli karto Deeqaha iyo in kale iyada oo aan loo sii Marin hayadaha caalamiga ah.

Waana hal Abuur siyaasadeed oo ka timid Dowladda Somaliland markii ugu horaysey taariikhda iyadoo u sheegtay in la abuurayo sanduuq Horumarineed oo Somaliland loogu shubi doono Qaadhaanka ama deeqaha ay dowladdu hu marinayaan.

Taasi waxay ku tusinaysaa Fahanka iyo Khibrada ay madaxda Somaliland u Leedahay Mamulka Deeqaha iyo isku diburidka,Gaar ahaan M/weynihii ee hore Somaliland oo Unkay sanduuqan waxanan Odhan karnaa waxuu Fahansan yahay waxa afka qalaad loo yaqaan (National Planning And development)

Ujeedooyinka Loo Abuuray Sanduuqa.

  1. In Somaliland Maamulato Deeqaha caalamiga ah ee la siiyo iyodoo aan loo sii marin Hayadaha caalamiga ah ama kuwa qaramada midoobay(INGO and UN) Oo waxa dhici jirtay in la soo mariyo hayado wixii waddanka la siiyey ama dhawr gacmood ugu yaraan saddex gacmood halkaasina uu ka yimaado khaladaad farabaddani.
  2. In mashaariic horumarineed loogu sameeyey Somaliland (Infrastructure Projects) oo waddanka laga dhiso dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha ee kala duwan sida waddooyinka, biyaha iyo ceelasha,Korontadda,dhismayaasha,beeraha,kalluumaysiga,deegaanka,gaadiidka IWM.
  3. In shaqo-abuur loogu sameeyo dhalin yarta Somaliland ee Jaamacada dalka ka baxay lehna aqoonta sarraysa iyo khibradda,kuwaasina ay sii tabo-baraan jiilalka iyaga ka danbeeya.
  4. In la muujiyo Kobocadda Maamul iyo isku-filnaanshaha Somaliland ka gaadhay la macaamilka dunida, oo aynu muujino in aynaan ahayn waddan loo aamini waayey in aynu maamuli kari-weyno wixii dadkeena dunidu siisay.

 

Sidaasi darted waxa muuqata in sanduuqasi uu keeni kari lahaa Faaiidooyin Fara-badan oo heer qaran ah,lama odhan wuxuu wax ka qaban karaa dhamaan dib-dhiska dalkeenu u baahan yahay lakin se wuxuu wax la taaban karo ama Mug iyo miisan Leh ka qaban karey dib-dhiska waddan ku u baahan yahay.

Faa’iidooyinka uu sanduuqu keeni karaa waxay ku xidhan tahay Haddii si wacan loo fuliyo Ujeeddooyinka la aasaasay sanduuqa Horumarinta Somaliland, ee aanay meesha Iman Ujeedooyin kale oo aan loo baahnayn.

Hadaba Sanduuqii Horumarinta Somaliland Maanta waa laga leexiyey Ujjeedadii Loogu talo-galay waxana loo leexiyey ujeedooyin kale oo ay Kow ka tahay Musuqmaasuq,Qaraabo-kiil,eex,Danaysi,ku Tagrifal,iyo six un wax u maamulis.

Khaladaadkii Sanduuqa Horumarinta

  • Sanduuqa Horumarinta Somaliland waxay si xun oo qabiilaysan u maamuleen Dhammaan shaqaalihii ay qaateen oo waddanka ka qaateen,waxana ka mida shuruudaha ay shaqada ku bixiyaan inay ogaadaan Qabiilka aad ka soo Jeedo,haddi aad ka soo baxdo shuruudaasi looma baahna inaad keento waxyaalo kale oo (Document) ah,haddi kale oo aad ka soo Bixi weydo shuruudaasi Hore, waa inaad ta labaad ka soo baxdo ah, ugu yaraan inaad Qaraabo la ahaato cida ay rabaan,haddii aad taasi ka soo bixi weydo waa in aad mark aka soo baxdo ta saddexaad oo ah In ay inani ku dhashay,haddii aad intaasiba ka soo bixi weydo markasi ka shaqayn kartid SDF, arrinkaasina wax ku hogaminaya Nin ka soomaliga ee ugu sareeya Meesha iyo dhawrka nine e ku xiga oo meeshiiba xaafad u Rogay.
  • Waxa kale Oo SDF six un u maamuleen Mashaariicda waddanka loogu talo-galay Inkastoo ay yartahayba wax fuliyeen oo ay aad u kala weyn yihiin baaxada lacagihii la siiyey iyo waxa ay fuliyeen,hadana intii yaradna waxay ku badiyeen deegaano gaara oo ay yagu indho-kale ku eegayaan.
  • Waxay fulin Kari-layahiin Lacagihii la siiyey (International Donations) iyagoo ka dhigay sanduuqaiiba meel Fadhiid ah oo aanay waxba kala socon, Waxay u xaadiraan uun Mushaharkooda iyo kharaashadka Gaadiidka ay raacaan(Admistrative Costs) waxa la odhan karaaba hayadihii laga cararay ayaaban dhaama sabatoo iyagu gaadiid baabay dadka waddanka ka kiraysan jireen iyo Guryo, taasi oo dadka iyo dalkaba faa’iido u ahayd,lakinse Kuwani way ka taxadireen arrimaahi oo dhan.
  • Waxay soo Kiraystaan (Consultant) ay ka keenaan Kenya iyo Tanzania Kuwaasi oo lagu keeno waddanka (MUQAAWIL) lakinse inta aan waddanka la keenin lala soo heshiiyo raga la soo hesshiiyaana ay u sheegan in loo qori doono Lacag aad u faro-badan oo ah ilaa 10,000 Oo dollar lakinse Bil-SHuruud ay lacagtasi 25%bil kasta ku shubi doonaan Account lays la yaqaan Haddii kale aanay si wadi doonin shaqooyinka la siiyey eek u baxaya lacagta aad u faro-badan, tan qudheedu waa tallaabo lagu xadayo waddanka oo inta baalashla yaal inta Kenya iyo Tansania la keeno lagu qarsanayo lacagtii waddanka laguna tilmaamayo khubaro caalami ah.
  • Waxa kale oo iyana jirta in Wassaarada Qorshaynta Qaran iyo Horumarinta Somaliland oo waajib keeddu ahaa inay horumariso isla markaana qorshayso deeqaha caalamiga ah ee waddan ka la siiyo ay gabtay shaqadeedii ahayn inay gacanta ku hayso sanduuqa iyo wixii kale ee ah deeq caalami ah ba marka laga xagga sharcigana Dowladda dhexe wasaarada qorshaynta ayaa u qaabilsan,arrimaha cayn kan oo kale ahna,wasirka qorshaynta ayuuna Madaxweynuhu u Igmaday,Hadday ceeb culusi ka timaado sanduuqaasi iyo hadday wanaag ka imaado ba wasirka madaxiisa ayay saran tahay arrintaasi.

Waxa muuqata in wasiirkii hore ee qorshayntu uu waxasi oo dhan dadka ku dawanayey iyo kuwii danbeyeybadr sacad ali shire ayuu ahaa ninkii umada ku daawanayey markii waxasi dhacayeen wasiiradii ka danbeyey ee qorshayntuna maba fahansanayn sida ay u shaqayso SDF

  • Waxa iyana muuqata in sanadihii hore dhalinyarta Somaliland ayna aad ugu war qabin arrinkaasi sanduuqa horumarinta Somaliland balse imika si weyn loolu baraarugay oo beri ilaa galbeed ninkasta oo dhalin yar ahi wuxuu ku odhanayaa war maxaad ka taqaana meeshan la yidhaahdo Sanduuqa Horumarinta Somaliland(SDF)

Eek aba sii dartay haayadihii la maagi jiray waayadii hore,bilaash baa loo maagayey haayadaha lakin imika waxba ku soo baxay ummaddii.

  • Waxa iyana marag ma doon ah in aanay SDF lahayn ba wax qorshe ah oo horumarineed ee ay tahay Jaanta Rogan oo nin kasta sida ay isaga ula muuqata uu u maamulo Mashruuciisa hadday tahay Gadidka,fundka,shaqaha,IWM.
  • Arin kaloo oo iyana habboon in hoosta laga xarriiqo ama la shaaciyo ayaa waxay tahay iyana in aysan jirin wax ay qabteen oo ay fuliyeen oo la taaban karo ha noqoto, goboladda iyo Degmooyinka dalkaba meel kaliya oo ay mashruuc weyn oo laga fuliyey oo manta dadku u aayeen am aka faa’iideen ma jirto.
  • Waxa jirta iyana in deeq-bixiyaasha ama qaadhaan bixiyaasha caalamiga miga ahaa sida,US-AID,DANIDA,SIDA,NORWAY,DFID,ay dib uga fadhiisteen sanduuuqa horumarinta Somaliland marka ay arkeen sida wax u socdaan iyo inaan wixii loo isticmaalayn sidii loogu talo galay oo la sameeyey waxa afka qalaad loo yaqaan(Funds Misusage), taasi waa ta keentay maanta in Somaliland oo dowlad ah oo 25sanno dowladd xoog leh ahayn,ay manta inaga mashaariic badato ama inaga fursaddo badato Koonfurta somaliya oo dagaalo halakeeyeen, balse haddana iyadoo waxaasi oo dhani ay ka jiraan haayadihi waxay ka wadaan mashaariic aad u fao badan koonfurta shishe iyo Puntland ba, waxaana waxa keenay siyaasa xumada wasaaradeena iyo sanduuuqa.
  • Hadal iyo dhamaan sanduuqi horumarinta Somaliland manta uu fashil may oo meel xun buu noqday,waxa habboon in looga gudbo talooyin iyo siyaalo kale oo lagu xalinayo arrinkaasi.

Tallooyin ku socda dowladda Somaliland

 

Dowlada Somaliland waxa u taalla uun imika laba arrimood oo ama laba tallo oo midna Togan tahay midna Taban tahay.

  • waa ta Koobaad e in nimankan sanduuqii fashiliyey ee meeshiiba xaafad ka dhigay ee six un u isticmaalaya fundkii laga bedelo meeshan oo la keenno dad Aqoon buuxda u leh waxan oo fahansan, Daacad na u ah waddanka,ilaahayna ka baqaya,eexda ka fog,sharafna leh,leh na Hal- abuur, si wacana o hogaamin kara meesha oo wax fiican dadka u hor sedi kara.
  • Waa ta labaad eh waa in lagugu celiyo Fundka iyo lacagaha Gacantii Haayaha caalamiga ha iyo INGO, KA Taasina waa tallaabo Togan oo dhib iyo Faa’iido ba keenni karto waxay keeni karta in lagu guulayso oo ay sidaasi wacnaato iyo in aan lagu guulaysan ba oo ay wacnaan weydo.

 

Mashaariicda Fashilmay ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Sanduuqa Horumarinta Somaliland wuxuu waday ilaa hadda 13 mashruuc oo culus oo ay la wadeen 13 wasaaradood intooda badinina may guulaysan manay gaadhay ujeedooyinkii loo abuuray mashaariicdaasi waxana ay dhacday in la dhamaysti kara waayey mashaariicdaasii oo ay ku baxday dhamaan lacagihii caalamku siiyeen Somaliland oo u dhiganta 100 milyan oo dollar, lacagtaasi hadii si fiican looga faadiideeyo waxay dhalin

 

La soco waa Taxane ka waramaya waxqabadkii Sanduuqa Hore marinta Somaliland ee Fashilmay, maqaalkan waxaa ku xiga Maqaalkii labaad

Waxa Qoray Eng abdulkadir mattan

Hargeisa Somaliland

0634414

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker