Raysalwasaaraha Itoobiya Oo Socdaalkiisii Ugu Horeeyey Ku Booqday Jabuuti

Djabouti(OWN)-Raysal wasaaraha dawladda Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali ayay maanta bookhasho rasmi ah oo laba cisho ah uga bilaamaysa dalka Jabuuti. Waa socdaalkiisii u horeeyay ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo tan iyo markii xilka loo caleemo saaray horraantii bishan. Waxa uu hore socdaallo ugu soo maray dawlad degaannada dalkiisa oo kilalka Soomaalidu ugu horeeyo.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Fana oo fadhigeedu yahay Itoobiya waxa uu Dr Abiy la kulmi doona madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doono xidhiidhka labada dal ee taariikhiga ah iyo xidhiidhka labada bulsho.

Dawladda Itoobiya ayaa si buuxda ugu tiirsan dekedda dawladda Jabuuti oo ay waxyaabaha dhoofaya iyo waxa soo degayaba u isticmaasho. Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan qayb ka noqotay maamulka dekedda Berbera waxaana la filaya in ay noqoto macmiil weyn oo dekedda isticmaala.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker