Kenya oo soo jeedisay heshiis Ethiopia ay deked ganacsi uga heli karto biyaha Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa soo jeedisay heshiis dhinaca badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo ka dhalatay markii Itoobiya ay Somaliland heshiis kula gashay inay deked iyo saldhig militari ka samaysato biyaha Soomaaliya.

Sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibbada Kenya, Korir Sing’oei, Heshiiska ay Kenya soo jeedinayso iyadoo la tashanaysa Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD, ayaa tilmaamaya sida Ethiopia oo aan bad lahayn ay gobolka uga heli lahayd deked qaab ganacsi ah.

“IGAD waxay awood u yeelan kartaa inay dejiso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda. Haddii la aqbalo xalka Nayroobi, wuxuu siinayaa Itoobiya helitaanka kheyraadka badda si ay howlaheeda ganacsi ee badda u fushato si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Korir Sing’oei.

Warkaan kasoo baxay Kenya, ayaa yimid, xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Kenya William Ruto, kulankaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhameeyo khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker