Azerbajan oo hakisay weeraradii Karabakh

Madaxweynaha Azerbajaan ayaa shaaca ka qaaday in madax banaanida dalkiisa dib loogu soo celiyay Nagorno-Karabakh ka dib markii 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay weerar militari ku hayeen ciidamo ka soo jeeda qowmiyada Armenia.

Ilham Aliyev ayaa amaanay geesinimada ciidamada Azerbajan saacado kadib markii ciidamada Karabakh ay ogolaadeen inay is dhiibaan.

Ilaa 120,000 oo Armeeniyaan ah ayaa ku nool deegaanka Koonfurta Caucasus, oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay inay qayb ka tahay Azerbaijan.

Azerbajaan hadda waxay ku talo jirtaa inay si buuxda gacanta ugu dhigto gobolka horey uga go’ay ee Nagorno-Karabakh.

Milatariga Azerbajaan ayaa Talaadadii ka bilaabay dhulkaan howlgal ay ku sheegtay in ay kula dagaallameyso argagixiso.

Saraakiisha Armenia ayaa sheegay in ugu yaraan 32 qof ay dhinteen, oo ay ku jiraan 7 qof oo rayid ah, halka 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker