Laba Sawir Oo Runta Geeska Afrika Bari Muujinaya.

Midna waa Madaxweyne Muuse Biixi, Somaliland,  midna waa Farmaajo, Soomaaliya. Labadaba gawaadhi baa lagu wadaa. Muuse Biixi wuxuu saaran yahay gaadhi caadi ah, Farmaajona mid gaashaaman oo AU iska leedahay. Muuse Biixi waxaa ilaalinaya askar Somalilander ah, Farmaajana ciidamo ka socda dal shisheeye. Markaa, kee baad is odhan kartaa dadkaa doortay? 
 
 
Faraqa u dhexeeye Somaliland iyo Somalia waa kaa. Mid la kabi karo ma aha. Waayo Somaliland waxay ku dhisantahay, wadahal, is-afgarad iyo heshiis. Waa dad iyo dal u bislaaday habka dimuqraadiga. Inkastoo aanu weli gaadhin heerarka wadamadda qaarkaad, lakiin, marka dhanka Afrika la eego iyo bariga dhexeba, in fara badan bay Somaliland dhaantaa.
 
 
Somaliland waxay ku dhaqantaa, “socod baro intaanad cararin”. Uma dacwoono dawladdaha adduunka, oo ma nidhaahno “Maxaa sidaa hebel iyo hebel loogu sameeyey?” Siduu caruurta oo kale. Sida qof wayn baanu arrimaha u falanqaynaa. Waa in arrinta la eego. Sababta keentay waa maxay?, Maxaa la sameynaa kara?, Maxaynu ka odhan karnaa arrinta?. Seefta ha la boodin. Miyir baa loo baahanyahay. 
 
 
Markaad nin aan aqoon u lahayn arrimaha caalamiga aad Ra’iisal Wasaare u magacawdid, uu kugu la talayo “Walaahi, aynu Ingiriiska xidhiidhka ka goosano, oo aynu errino nimanka Qaramadda Midoobay ee meesha inagu haya” dee gaadhi gashaaman in lagagu qaado waad istaahishaa. Sow ma aha!
 
 
Allaa Mahad Leh
 
 
Ahmed Kheyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker