Warsaxaafeed ka soo baxay Xarunta Darasaadka Siyaasada (CPA)

Xarunta Daraasaadka Siyaasaddu (Centre for Policy Analysis) waxaay ka codsanaysaa daladda SONSAF inay kala cadayso mawqifkeeda ku saabsan amniga iyo shaqada difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland. Markaanu aragnay cabasho qoraal ah oo uu soo gudbiyay difaace xuquuqal insaan, islamarkaana aanu lafo-gurnay qoraalka cabashadu ku saabsan tahay, waxaanu si wayn uga walaacsanahay qoraal aan la aqbali karin oo khatar ah oo uu qoray sarkaal sare oo ka tirsan SONSAF oo si furan ugu weeraray baraha bulshada difaacayasha xuquuqal insaanka, sidoo kalena sameeyey sheegashooyin khatar gelinaya noloshooda. Sheegashooyinku waxaay sidoo kale waxyeelo u gaysanayaan xuquuqal insaanka laftiisa. Waxaanu ognahay inaanay ahayn markii u horaysay ee sarkaalkaasi uu sidan oo kale u majo xaabiyo xuquuqal insaanka isaga oo sheeganaya inuu metelo SONSAF.

Xaruntu iyada oo aqoonsan in difaacayaasha xuquuqal insaanku ay si naf hurid ah ugu hawlan yihiin hawl adag, waxa aan ahayn wax la aqbali karo in sarkaal sare oo ka tirsan SONSAF uu hor kaco weerar ka dhan ah karaamadooda.

Shaki kuma jiro in ururada xuquuqal insaanka ee Somaliland ay qabtaan hawlo waafaqsan Diinta Islaamka. Cidii ku dooda si taas ka duwanina way qaldan tahay. Xuquuqal insaaku wuxuu ku qoran yahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sallaysan diinta karaamada leh ee Islaamka sida ku cad qodobka 5aad ee Dastuurka Somaliland.

 Waxaanu u soo jeedinaynaa SONSAF inay iska fogayso hadalka uu jeediyay sarkaalkaas ka tirsan, ayna ka qaado talaabo ku haboon islamarkaana ay raali gelin siiso difaacayaasha xuquuqal insaanka iyada oo iska ilaalinaysa inay qayb ka noqoto weer khatar ah oo lagu qaado difaacayaasha xuquuqal insaanka iyo mabaadida xuquuqal insaanka ee dastuurka ku qoran.

 Ugu danbayntii, Xaruntu waxaay ku amaanaysaa difaacayaasha xuquuqal insaanka ee jooga gobolada kala duwan ee dalka shaqada muhiimka ah ee ay hayaan, waxayna ku dhiirigelinaysaa inay sii wadaan.

 

 

Maria Gaheir

CPA,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker