Ururka Boko Xaaraam Oo Weerar Culus Ku Qaadday Magaalada Maiduguri Ee Dalka Nigeria

Wararka ka imanaya magaalada Maiduguri ee waqooyi bari Nigeria ayaa sheegaya in dagaal culus ay magaalada ku soo qaadeen ururka Boko Xaaraam. Waxayna wararka intaasi ku darayaan in ciidamada Nigeria ay haatan la dagaalamayaan maleeshiyada weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka iyo warbaahinada ayaa sheegaya in Maiduguri laga maqlayay dhawaqa rasaasta iyo qaraxyo. Weerarka oo bilowday xilliga aadanka salaada casar ayaa u muuqday in uu weli socdo. Dadka deegaanka ayaa weerarka ku tilmaamay mid cabsi iyo arggagax ku riday shacabka,sababyna iyo laga cararo goobta uu ka dhacay weerarka.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba balse weli macadda tirada saxda ah. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, ciidaamo aad u hubeysan oo ka tirsan ururka Boko Xaaraam ayaa isku dayayay in xoog ku galaan xerooyin ku yaalla guadaha magaalada, kuwaasi oo lagu hayo xubno ka tirsan dagaalyahannada uruka Boko Xaaraam.

Ilaa iyo haatan kama aysan hadal dhacdadaan milatariga Nigeria. Magaalada Maiduguri ayaa inta badan waxa bartilmaameedsada dagaalyahannada Boko Xaaraam inkastoo la sheegayo in weerarkaan uu ka xoog badan yahay weerardii hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker