Shirkada Diyaaradaha Ee Qatar Airways Oo Qirtay Khasaaraha Dhaqaale Ee Soo Gaaray

Shirkada Diyaaradaha ee dalka Qatar ayaa markii ugu horeysay qirtay inuu khasaare weyn kasoo gaaray xayiraada ay kusoo rogeen dalalka xulafada la ah Sacuudiga iyo Imaaraatiga. Shirkada Qatar Airways ayaa lumisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay 18 magaalo oo ay ku kala yaal dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga, Masar iyo Baxreyn, kadib markii dalalkaasi xayiraada saareen dalka Qatar bartamihii sanadkii tagay.

Akbar al-Baker oo ah madaxa shirkada Qatar Airways ayaa sheegay in xisaab-xirka sanadkii tagay ay ka muuqato in shirkadooda dhaqaale badan ku lumisay, isla markaana sare u kacday kharashka ay galeen halka hoos uu u dhacay fa’iidadii ay filayeen, isagoo dhinaca kale ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha shirkadaasi soo gaaray.

“…Ma rabo inaan sheego inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay balse wuxuu ahaa mid baaxadleh…” ayuu yiri Akbar al-Baker oo todobaadkan ka qeyb galay munaasabada shirkadaha diyaaradaha ee lagu qabtay magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Wuxuu sidoo kale sheegay in laga yaabo in shirkada ay ka codsato dowlada Qatar inay dhaqaale cusub geliso shirkadaasi hadii uu sii socdo xayiraada dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker