Madaxweyneyaasha Waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya Oo Heshiis Taariikhi ah Kala Saxiixday

Kulankii u horeeyey ee taariikhiga ahaa ee ay wada yeesheen labada hoggaamiye ayey ku saxiixeen heshiis qeexaya nabadda labada dal, kaas oo yareynaya awooda Nukliyeerka ee gacanka Kuuriyada, meeshana ka saaraya dagaal danbe in uu dhaco.

Moon Jae-in Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed iyo Kim Jong Un Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Kuuriya ayaa kulankoodu ka dhacay guriga nabadda ee Panmunjom maanta oo Jimce ah.

Qodobada ay ku heshiiyeen labada kuuriyo waxaa kamid ah :

In labada hoggaamiye oo amsuul ka ah 80 milyan oo qof oo Kuuriyaan ah ay ku dhawaaqeen in wax dagaal danbe ah aanu ka dhacayn gacanka Kuuriyada, waxaana u bilowdey marxalad cusub oo nabad ah.

Labada dhinac ayaa isla gartey in la sameeyo aag nabadeed oo xadka ah kaas oo ay ka dhacaan wada hadalada nabadda oo ay ka qaybqaadanayaan dalalka ay khuseyso sida Maraykanka.

Seol iyo Pyongyang ayaa isla qaatey in la sameyo xafiiska xiriirka labada dal kaas oo laga furaayo magaalada Kaesong ee Kuuriyada Waqooyi, waxaana uu ka shaqeynayaa in uu isla baadi goobo ehelkii dagaaladu kala geeyeen, iyo dhamaan waddooyinka xiriirka nabadda.

Labada hoggaamiye ayaa isla qaatey in ay wada yeeshaan xiriir joogto ah oo ay ku sii anbaqaadayaan heshiiska taariikhiga ah ee ay maanta kala saxiixdeen, waxaana ay isla garteen kulan kale oo heerkiisu sareeyo in ay wada qaataan dhamaadka sanadkan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa joojisey dhamaan tijaabooyinkii Nukliyeerka ka hor kulankan, waxaana ay xireen goobtii tijaabada, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa yiri maanta bulshada Seul waxay ku seexan doonaan nabad, mar danbena tijaabooyinka gantaalada hurdada uga kicin mayno isaga oo kaftamaya.

Dagaalkii Kuuriyada kala qaybiyey ayaa bilowdey sanadkii 1950, wuxuu socdey muddo saddex sano ah, dagaalka waxaa ka qaybqaatey Shiinaha iyo Midowgii Sofiyeytiga oo la saftey Waqooyiga, halka Maraykanku la saftey Koonfurta, waxaa dagaalkaas ku nafwaayey malaayiin qof labada dhinac ah waxaana lagu waayey kumaankun kale.

Madaxweynaha Maraykanka iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa iyagana lagu wadaa in ay kulmaan dhamaadka bisha May ama bilowga bisha Juun ee sanadkan, lama yaqaan halka kulanku ka dhici doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker