Gumaysi, Mise Shilin Barar. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Somaliland markaad aragto dulmiga iyo tacadiyada loo gaysano maatida, naxariis la’aanta iyo is-tixgelin la’aanta, waxaad is odhanaysaa malaa kuwani ciqaabka Alle iyagaa u yeedhanaaya.Tusaale ahaan, waad aragtaan maceeshadda iyo sarifka lacagta qalaadi halkuu maraayo.
Goor sii horaysa, ilamaa 8:30pm habeenimo anoo meel yara madawa maraaya, waxaa iga hortimi Islaan da’ah oo dukaan ilaysanaaya ka sii socota. Waxay siyara hoosa ugu cataabaysa “Allaw jaarkayaga u naxariiso, Allaw ciqaabkaaga naga qaad, Allaw bilaayadan madax ku sheegga ee na go’doomiyey meel baas ka tuur, Allaw ma Doolar baan anigu aqaanaaa?, waxay ciqaabkan Doolarka noogu marmarsoonayaa?, Allaw waad i aragtaa inaan saacad ka saacad dheri dabka saarine, Allaw gaajo haygu cadaabin. Innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun”. Waan yara daba galay. Cabbaar kadib, waxay istaagtay buul yar hortiisa. Salaan kadib hal su’aal baan waydiiyey, “Hooyo Caawa maad xanuunsantahay maxaa jira?”. Intay aamustay bay tidhi, “Shay kasta Doolar baa qaaliyoobay baa na lagu dul miyayaa, daqiiqdii doolar baa kiciyey, caanihii doolar baa qaaliyey–oo cidaanu u cabano garanmayno, carruurtii waxaan siiyo mahayo, wax kasta la jari kari waa.
Wixii ummadda dhibaya ee xaqooda duudsiyaaya Alle meel baas haka tuuro.
Sadam Osman Kaabash
Hargeisa, Somaliland
Degmada, Maxamed Mooge.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker