Ethiopia: Mucaaridka Oo Walaac Ka Muujiyay Waqtiga Loo Asteeyay Doorashooyinka

Xisbiyada Mucaaradka ah ee Ethiopia ayaa walaac ka muujiyay Waqtiga Loo Cayimay in la qabto Doorashooyinka iyo jadwalka Diiwaangalinta ee dalkaas dalka Ethiopia ee ay dhawaan ku dhawaaqeen komishanka doorashooyinka dalkaasi.

 

Komishanka Doorashooyinka Ethiopia ee Magaciisa loo yaqaan National Electoral Board of Ethiopia (NEBE) ayaa ku dhawaaqay in 16 Bisha August ee Sanadka 2020 ay Noqonayso maalinta codbixinta, sidoo kale mido bil ah oo ka bilaabanaysa 7da April-na ay noqonayso waqtiga is diiwaangalinta muwaadiniinta codkooda dhiibanaya.

 

Wakiilo u hadlay xisbiyada mucaaridka ah oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Ururada bulshada ee dalkaas ayaa walaaca ay qabaan hoosta ka Xariiqay, waxana ay sheegeen in bartamaha bisha August ee loo cayimay doorashada uu yahay waqti ay roobab mahiigaan ah dalkaas ka da’ayaan, taasina ay hoos u dhac ku keenayso muwaadiniintii codkooda dhiiban lahaa.

 

Gudoomiyaha Komishanka (NEBE) Birtukan Midheksa ayaa dhinaciisa qiray in bisha August ee doorashada loo asteeyay ay jiraan mushkilado farsamo oo ku hareeraysan, waxana uu intan ku daray in Arimo sharci iyo isbedelka ku yimid hayadaha dawliga ah ee Ethiopia ka hana qaaday aanu suura galinayn in waqtiga doorashada loo cayimay la bedelo.

 

Haweenayda gudoomiyaha ka ah Komishanka Doorashooyinka ayaa waxa ay intan ku dartay in doorasho la qabto bilaha September ama October sida ay ku taliyeen mucaaridku ay tahay arin dastuurka aaan waafaqsanayn
Doorashadii tan ka horaysay ee dalkaas Ethiopia ayaa la qabtay bisha May.

 

Sidoo kale qaar ka mid ah Mucaaridka Ethiopia ayaa su’aal galiyay qabashada doorasho ka dhacda dalkaasi, waqti amniga meelo badan oo dalkaas ah aanu cago adag ku taagnayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker