AFHAYEENKA QAARADA YURUB EE XISBIGA WADDANI OO CAMBAAREEYEY XADHIGA & XUKUNKA BOQOR BUUR-MADOW “Qasim A Saleebaan”.

Waa dhaqanka Xukuumadaha Askarta ee digtaytarka ah in Qof lagu bar-tilmaameedsado Cabirka rayigiisa iyo Weedho Afkiisa ka soo baxay. Sidoo kale Madax-dhaqameedada Bulshadu waxay inagu leeyihiin Xurmo iyo Xaqdhowr Gooni ah; Waxayna leeyihiin Xasaanad Madax-dhaqameed oo lama taabtaan ah.

Waan Qirayaa in Madax-dhaqameedyada Somaliland Qaar badan oo ka mid ahi dhaafeen oo baalmareen Xilkoodii dhaqanimo, noqdeena Siyaasiyiin Sar-gooya Siyaasada Beesha. Waa Xaqiiqo in Qaarkood durbaanka u tumaan kala fur-furista Bulshada & Colaadaha beelaha soo kala dhex-gala, Af iyo Ficilba. Balse hadana taas macnaheedu maaha in loogu bedelo Xadhig, Xabsi, Handadaad iyo Car-juuq dheh iyo Waxyaalo la mid ah, laguna tunto Xasaanadoodii Madax-dhaqameednimo; “Waxaan Xoojinayaa in Tababar dhaqameed loo furo, halkii Xabsi lagula ordi lahaa”.

Madax-dhaqameedadu Waa Meesha ugu Saraysa Bulshadeena, waana Marjaca marwalba loo noqdo; Waana Biri-mageydo, sidaas awgeed marna Xidhistoodu ma noqonayso Xal.

Sidaan ka war hayno Somaliland waa dal aan weli dunida Aqoonsi ka helin, kuna jira Xiligii Tijaabada, loogana baahan yahay inuu ku baaso imtixaanaadka aqoonsi ee horyaal, oo ay ugu horayso Xoriyada hadal iyo fikir ee Qofka oon la cabudhin. Falalkan ku soo noq-noqday dalkeena xiligii Xukuumadaha kulmiye ee ah Car-juuq-dheh, waxay dhabarjab ku tahay Geedi-socodkii Aqoonsi ee Dalkan Curdinka ah guclaha ugu jirey.

Xisbiga Waddani Yurub, wuxuu Cod-dheer ku Cambaaraynayaa Xabsiga, Boqor Osman Buurmadow, Marwo Nimco Qorane iyo Mudane Mohamed Keyse, oo dhamaantoodba lagu maxkamadeeyey hadalo afkooda ka soo baxay iyo Qoraalo Meelo laga soo minguuriyey.

Waan og-nahay in dhaqanka Askarta yahay, Hanjabaad iyo Xabsi dadka lagula kaco, waana ta keentay in Aduunka oo dhan aan laga jeclayn in Maamulka dal gacanta u galo xukun Askari. Xukuumadan Kulmiye ee Askartu hogaaminayso Mudo yar oo ay jirtey ayay ku kacday falalkan foosha xun ee ah Car-juuq-dheh; Waxaa Shacabku isweydiinayaa Maxaa xigi doona marka Ay Sanado joogto.

Xisbiga Waddani Yurub, Wuxuu xukuumada Kulmiye ugu baaqayaa in si degdeg ah Dadkan Rayigooda lagu xidh-xidhay loo sii daayo, loona soo celiyo Xoriyadoodii. Xisbiga Waddani wuxuu u arkaa falalka noocan ah inay yihiin kuwo wax u dhimaya Geedi-socodkii Aqoonsi een Baadi-goobka ugu jirnay; Marnabana taageeri mayno in Qofka rayigiisa dhib loogu geysto.

Afhayeenka Yurub
Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker