70 Wadan Oo Ku Heshiiyey La Dagaalanka Maalgaliyayaasha Argagaxisada

Shirkan caalamiga ah oo socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa Khamiistii shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Paris ee dalka France. Wadamada shirkan kasoo qeyb galay oo ay ku jireen kuwa reer Galbeedka iyo Khaliijka ayaa si gaar ah looga hadlay sidii tilaabo looga qaadi lahaa dadka ama hay’adaha aan dowliga ahayn ee dhaqaalaha ku taageera kooxaha ISIS iyo Al Qacida.

Madaxda shirkan ka qeyb galay ayaa waxaa kamid ahaa Xoghayaha Maaliyada Marakanka Steven Mnuchin, Madaxda hay’ada IMF Ms.Christine Lagarde iyo Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Khaliijka oo ay ku jiraan Sacuudiga iyo Qatar.

Kulankan caalamiga ah oo ay ku kulmeen dalalka Khaliijka ee iyagu midba midka kale ku eedeeeyey taageerada iyo maalgelinta argagaxisada ayaa dhamaantood ku heshiiyey in laga hortago farsamooyinka kala duwan oo ay kooxaha argagaxisada ku helaan dhaqaalaha.

Madaxweynaha France, Emmanuel Macron oo shalay soo xiray shirkan ayaa sheegay inuu soo dhaweenayo go’aanada shirkan kasoo baxay, isagoona sheegay in kooxahan ay adeegsadaan farsamooyin kala duwan iyo aaladaha casriga ah isla markaana loo baahan yahay in caalamka iska kaashado sidii loo suulin lahaa illaha dhaqaalaha ka helaan kooxaha Daacish & Al Qacida.

Qodobada shirkan looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Qaaba daba-galka loogu sameyn karo maalgeliyayaasha argagaxisada iyo xayiraadada & ciqaabta dhaqaale ay muteysan doonaan hay’adaha ama shaqsiyaadka lagu helo inay maalgeliyeen kooxaha argagaxisada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker