Qodobo Ka Soo Baxay Shirkii Carbta ee looga hadlayay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobya

Qodobo dhowr ah ayaa ka soo baxay shir dhanka fogaan aragga ahaa oo ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah jaamacadda carabta.

Qodobada shirkaas ka soo baxay waxaa kamid ah in la xoojiyo taageerada amni, xassiloonida, midnimada, madax-banaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya isla markaana Soomaaliya ay xaq u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda.

In ururku si buuxda u taageerayo mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku aadanheshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland.

Ururka ayaa sidoo kale sheeay inay ku taageerayaan Soomaaliya inay arrintan u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka.

Waxaa sidoo kale qodobada kamid ahaa in Somaliland tahay qeyb kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale xoghayaha guud ee Jamacada Carabta ka codsaday in guddi fulineed loo saaro qodobada ka soo baxay shirka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker