SOOMALIDII HORE IYO JACAYLKA DUMARKA Q1AAD: W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

Amin la joogo iyo meel lajoogaba jacaylku waa dareen si qoto dheer ugu samaysan abuurta noolaha inta la ogyahay si gaar ahna waa dareen aadanaha ku ladhan. Sidaas oo ay tahay hadana kolka aynu dib umilicsano ujeedooyinka faraha badan ee maansadii hore soomalida, waxa inoo soo baxaya u jeedada jacaylku inay ku jirto kuwa ugu tirada yar taasi waa run biyo Kama dhabacaan ah, waxaanay leedahay waxyaabo sabab u ah in dareenka jacaylku ku yaraado maansadeena.

Sida ku cad dhaqanka taariikhdeena waxay la xidhiidhaa habkii nololeed ee deegaanka ay soomalidu ku noolayd iyo dabeecadaha ragii soomaliyeed ee raacatada ahaa ay ka dhaxleen.
Wuxu ahaa geyi dhibaato iyo shido badan, geyi aan nasasho laga aqoon, oo halgankii ay jiritaankooda ugu jireen aanu kala go lahaan jirin, colaad iyo cabsida ayaa joogta ahaa, hadii gabaldhaco iyo hadii waaberyo, goor walba ragu colaad ujoog ayuu ahaa.

Wuxu ahaa xili ay si ba’an xoolaha ay ukala qaadi jireen, kolaas bay u ahayd mar ay geel dhacaayaan, iyo mar ay dhicinayaan, mar ay ceel ku dirirayaan iyo mar ay carshin (daaq) kala riixanayaan, mar ay garamayaan, iyo meelo ay saymo roobeed ku hooreen mar ay sahan uyihiin oo ay reeraha urarayaan.
Hadaba ninkii soomaliyeed ee geyiga noocaas ah ku dhaqmay wuxu ka dhaxlay dabeecado ilaa maanta ay bulshada in badani wax kala socdaan waxaa dabeecadahaas kamid ah:
ninku inu adadayg ku tilmaanaado
Dareemadiisa qof ahaaneed inu qarsado oo waxa laabtiisa ka guuxaya aanu dadka kale si fudud ugaran una ogaan jirin.
jiljilayca iyo dabacsanaantu waxay ahaayeen wax ninkii lagu arko lagu maago, dhif iyo naadirna waxa ahayd inu ninku haweenayda u dhaxday inu magaceeda ugu yeedho, ama meel laga arkaayo uu ku salaamo, amaba uu ku yidhaahdo waan ku jeclahay, hala weheliyo, ama labadooda ha ahaadeene.
Sidoo kale waxa dhif ahayd caruurta uu dhalay midkood intuu madaxa u salaaxo, iyo inu si cadaana ugu muujiyo kalkacaylka uu u hayo, ceebna waxa ahayd in ninka raga ah lndhihiisa lagu arko ilmo, siday doonto ha uga timaadee sidaas daraadeed geyiga noocas ahi ma ahayn guubaabo iyo dirdire dagaal mooyaane mid kalkacayl iyo jiljilaycu yaalay, waana sababata ugu wacnayd in maansada soomalida ay ku tira yaraato qaybta jacaylka.
Waxase jiray rag tiro yar oo hidaha noocas ah ka baydhay oo dareenkii jacayl ee ay laabta ku haysteen aan qarsane dadka u sheegay tixo macaan badana ku muujiyey.

ABWAANKII JECLAADAY GABADHII IJO:
Waxaana ragaas ka mid ahaa gabadhii ijo la odhan jiray gabyaagii sida aadka ah u jeclaaday dabadeedna guur iska daaye marqudha inu la hadlaa ay usuuroowi wayday.
kolku quusan waayey, gabyaagii dadkii xigtada u ahaa ay kula taliyeen inu ijo faraha ka qaado inan kalena deegaanka kadeydaydo gabyaagii ay u balan qaadeen inay ka yarad bixin doonaan, hadii uu sidaa yeelo walibana ay xeryihiisa xoolo uga buuxin doonaan, gabyaagii markaas ugu jawaabay fardo, geel, lacag, dahab, iyo hanti kasta oo laysiiyo inu ka jecelyahay maalin uun intuu ijo hor fadhiisto inu la haasaawo waxaanuu yidhi:
Tisciin farasa xamar tawlan iyo tuurcade iyo maydal
Markab tiirsan lacag laytirsho iyo dahab lay tuulo
Lag todoba jiroo wada tifrina tiica iyo ayro
Waxaa iiga tolmoon ijoon kol u tiraabaaye

 

XAAJI MUUSE GALAAL:
Sidaan soo sheegay waxa iyaguna jiray rag aad utiro yar oo garwaaqsaday jacaylka iyo amaanta dumarkooda gabayana ku amaanay, mid ragaa kamid ah hadaan soo qaadano waa gabyaagii weynaa, xeeldheerihii xaga dhaqanka ee la odhan jiray XAAJI MUUSE (GALAAL) inkasta oo gabaygiisa wax yar uun laga hayo hadana waa amaan dumar waxaana uu yidhi:
Jaaheeda iyo faayahay ay jibo ku qaadayso
Jidhka labada qaaree sida jaraha loo soohay
Sida jeex intuu doog lahaa jir u gadaaleeye
Oo ubaxyo kala jaad ah iyo jimil kusoo booday
Goortaad jalleecday qalbiga jiidataa hodane
Waa midaan jilfaha qoorta iyo jiman u baahnayne
Jidhkeedaa ka qaaliban waxay yara jeclaayeene

 

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker