Sheeko Kale: Shar Ha Arkin … Cabdisalaam Yaasiin

Sheekooyinkii hore ee murtida lahaa waxa ka mid ah sheeko ku saabsan saddex daayeer. Saddexda daayeer oo isu yimi ayaa waayaha aduunka iska waraystay.

Markii ay ka yaabeen waayaha aduunku halka uu marayo, ayay ku heshiiyeen in uu mid waliba bal sida ay la tahay u muujiyo.

Kii u horeeyay ayaa labadiisii gacmood indha saaray.

Labadii kale ayaa ku yidh, “ Waanu garanay. Waxad leedahay shar ha arkin!”

Kii labaad ayaa labadiisii gacmood dhegaha saaray.

Labad kale ayaa ku yidh, “Waanu garanay. Waxad leedahay shar ha maqlin!”

Kii saddexaad ayaa labadiisii gacmood afka saaray.

Labadii kale ayaa ku yidhi, “Waanu garanay. Waxad leedahay shar ha hadlin!”

 

 

“Shuuuuu!?”

“Shuuuuushleh u sheeg!”

“Shuuuuushleh war ma galo!!!”

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker